Xildhibaan Dhakool Oo Xorriyadiisa Dib U Helay

0
666

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland ayaa maanta xorriyadiisa dib u helay ka dib markii xabsiga la taxaabay bishii hore ee March.

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ayaa xadhigiisa la xidhiidhiyay hadal uu warbaahinta ka jeediyay oo uu ku naqdiyey xuska maalinta 18ka May, balse waxa xadhigiisa sharci-darro ku tilmaamay oo ka soo horjeestay golaha wakiillada ee uu ka tirsan yahay iyo maxkamadda.

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ayaa muddo ku dhaw laba bilood ku xidhnaa xarunta CID-da ee Magaalada Hargeysa.

Siyaasiyiin iyo Xildhibaanno ka tirsan Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtidda ee laga soo doortay Gobollada Sool iyo Buuhoodle ayaa dhawaan shacbiga Somaliland ka raali geliyey hadalkii ka soo yeedhay Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool.

Illaa hadda ma jiraan warar cidda ka hadashay arrintan balse warar ay helayso Somalilandtoday ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaan Dhakool lagu khasbay in uu raali-gelin ka bixiyo hadalkii uu warbaahinta ka sheegay.