“Dhaqaale Xumada Siyaasad Xumo Ayay Salka Ku Haysaa, Hoggaan Xumo Ayaana U Sabab Ah” Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan

0
43

Baahida dhaqaale iyo dhibaatada mucaawinooyinka.
Dhaqaale xumada siyaasad xumo ayay salka ku haysaa, hoggaan xumo ayaana u sabab ah.

Waa ayaan darro weyn guud ahaan in qaaraddan Africa ee aynu ka midka nahay calaamad u noqotay gaajo, hoggaan kelitaliye ah iyo guuldarrooyin siyaasadeed. Waxa mar labaad dhibaato wayn ah marka Internet-ka Soomaali laga baadho in ay kugu soo boodayso faqri iyo macaluul, kuwaas oo uu hadheeyay khilaaf dhexdooda ah ama qoomiyadaha ay wada degen yihiin oo taagan teer iyo intii nidaam dawladeed la helay. Waxaa ka sii daran in budhcad badeed iyo argagixiso magicii soomaalinnimo lagu lammaaneeyay, taas oo saamayn ku yeelanaysa qof kasta oo Soomaali ah meel kasta oo uu adduunyada ka joogo.

Somaliland, innaga oo dhibtaa hore la wadaagna dadyawga soomaalida, waxaa inoo dheer aqoonsi la’aan aan dunidu weli inoo garwaaqsan dal ahaan iyada oo aynu soo jirnay in ka badan rubuc qarni, taas oo caqabad ku noqotay in aynu ka faa’iidaysan karno hay’adaha dhaqaalaha ee dunida ama taageero dhaqaale oo toos ah aynu dunida ka helno. Mushkuladaha dhaqaale xumida guud, sicir-bararka, xoolihii noolaa oo ahaa isha dhaqaale ee 1aad ee aynu dunida u dhoofinno oo Sucuudigu joojiyay iyadoo ishii dhaqaale ee 2aad oo ahayd lacagaha xawaaladaha ee debadda ka yimaadda iyagana cidhiidhi la saaray, waxaa isha dhaqaale ee 3aad loo cuskan jiray mucaawinooyinka aan tooska ahayn isla markaana aan laysku hallayn karin, kuwaas oo inta saafiga ah ee ina soo gaadha lagu qiyaaso 10% ilaa 30%. Bulshada oo intaas oo dhibaato ah la tiicaysa ayaa waxa ugu daran rejo xumada guud, qaybsanaanta iyo werwerka bulshadu soo wajahday ee aan xukuumaddu wax qorshe ah u soo bandhigin ilaa iyo maalintii madaxweynuhu talada la wareegay. Khudbaddii sanadlaha ahayd ee Madaxweynahana haba yaraatee wax barnaamij ah oo mustaqbalka u qorshaysan may xambaarsanayn. Dareenka bulshada ayaa suuqyada is waydiimo badan aad kala kulmaysaaa, bal aan sidan u cabbiro; Waar iminka maxaa innagu dhacay? Waxa la yidhi Madaxweynihii wuu handaraabay! Maxay? Dee dhaqaalihii iyo dhaqdhaqaaqii. Dee isagu malaha wax tar baabu islahaaye oo maba xuma in wixii tuugo iyo musuqmaasuq ah la xakameeyaaye, balse malaha, qolkii maaliyadda muu xidhine, aqalkii oo dhan ayuu guudka innagaga handaraabay! Cajabo Rabbi. Dhaqaalayahanka madaxa bannaan ee Azar Jammine, oo dhibtan oo kale ka faaloonaya ayaa yidhi: “Bad politics has broken economy’s resilience, now even 1% growth impossible” – oo nuxurkeedu yahay “Siyaasad xumadu waxay burburisay adkaysigii dhaqaalaha, oo iminka xataa koritaan dhaqaale oo 1% ahi suuragal ma aha.”

Haddaba, markaan arkay duruufaha dhaqaale iyo is waydiimaha bulshada ee rejo-xumadu ka muuqato ayaan ku talo galay in aan faaqido dhibaatada oo qalinka u qaato, wixii iiga soo baxana bulshada la wadaago inta aan awoodo ee wakhtigu ii saamaxo, iyada oo ujeeddadu tahay, wixii dhib ah waa in wax laga qabto ama la qoro oo dhibta jirta tilmaan iyo sumad ay kuu leedahay, ilayn qofka mar kasta xil baa saarane. Dhaliisha iyo toosintu waxay ka mid yihiin guud ahaan xil-gudashada muwaadinnimo, gaar ahaan xisbiyada mucaaradka iyo xubnaha siyaasiyiinta ahna waxay ku noqonaysaa waajib in ay wixii dhib ah ee jira sheegaan. Taas baana saldhig u ah qoraalkan. Waa qormo madaxbannaan waxaanan ku metalaa inta igu taageersan.

Dhaqaaluhu waa laf dhabarta nolosha, waa mishiinka dawladnimada, waa awoodda dunidu maanta ku tartamayso. Waxaa inta badan dawladaha dunidu isku qiimeeyaan awoodda dhaqaale iyo kaalinta dalku kaga jiro hodannimada ama dadkiisu heerka ay fakhriga ka joogaan. Dhaqaaluhu waa waxa jaangooya heer nololeedka aadamaha. Shaki kuma jiro in dhaqaaluhu maanta yahay awood aan la dafiri karin iyada oo aqoontiisana lagu kala dheereeyay oo loo sameeyay qaab cilmiyeed aad qiimo weyn uga leh dunida maanta. Raysal wasaarihii ugu hore ee Ingiriiska, David Cameron, oo ka hadlaya dhaqaalaha ayaa yidhi “The economy is the start and end of everything. You can’t have successful education reform or any other reform if you don’t have a strong economy” – oo macnaheedu yahay, dhaqaaluhu waa meesha ay ka bilaabmaan ee ku dhammaadaan wax kastaa, mana samayn kartid, si guul leh dib u habayn waxbarasho ama dib u habayn kaleba haddii aanad lahayn dhaqaale xooggan. Madaxweynihii Maraykan ee Ronald Reagan, oo sidan si ka geddisan laakiin ku dhaw uga hadlayna wuxuu yidhi “Government’s view of the economy could be summed up in a few short phrases: If it moves, tax it. If it keeps moving, regulate it. And if it stops moving, subsidize it” – Aragtida Dawladda ee dhaqaalaaha waxaa lagu soo ururin karaa kalmado kooban; haddii uu dhaqaaqo, cashuur. Haddii uu sii wado dhaqaaqa, u samee nidaam lagu hago. Sidoo kale haddii uu istaago, caawi oo kab.

Diinteenna suubban ee Islaamku, si wayn ayay u tilmaantay muhiimadda iyo ilaalinta dhaqaalaha ama maalka, ilaa Sekada laga gaadhsiiyay in ay ka mid noqoto shanta Tiir Islaamka, halka culimada qawaacidda fiqiga dejiyayna ay geliyeen ilaalinta maalka mabaadi’da waaweyn ee shanta ah ee diintu ilaaliso. Marka dhaqanka soomaaliga la eegana waxaa ka mid ah halkudhigyada dhaqaale, “Xaglo laaban xoolo kuma yimaaddaan”, taas oo aynu odhan karno haddii tacabku kordho dhaqaalaha ayaa kordha, haddii dhaqaaluhu kordhana waxa suurtagal ah shaqo abuur, wax la bixiyo, wax la horumariyo iyo wax la hagaajiyo iwm. Wuxuu yidhi Abwaan Cabdilaahi Muuse oo tacab la’aanta ka hadlayaa: “In kastuu dhabcaal gudhan yahay oo dharabo kaa gooyo, isagoo dharaar maqan kol uu dumar wax kuu dhiibo, dhan aad uga dhacdaba maal ku xiga waad dhadhamisaaye, waa dhaawac kugu yaal xigtada oo dhaqasho diiddaaye”

Marka aan u soo noqdo mucaawinooyinku xaddiga ay ka yihiin dhaqaalahu waa 10 ilaa 21% marka laga qiyaas qaato sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay UNDP ee Aid Flow in Somalia. Iyadoo marka horeba deeqaha dunidu siiso Somaliland iyo guud ahaanba intii Soomaaliya laysku odhan jiray ay aad u yar yihiin, ayaa inta ka soo gaadhaana ay tahay faro-guudkood, haddana ma dhibaato la’a. Ilyaas M Xuseen iyo Cabdicasiis Guudcadde oo mawduucan falanqaynayey, kana qoray “Gargaarka Shisheeye: Gurmad mise Gumayn”, ayaa tilmaanta luggooyada deeqaha ugu magac daray “Leef oo ha liqin” iyaga oo ka dab qaadanaya buugga Dead Aid ee caanka ah ee ay qortay Dr Dambisa Moyo. Waxaa marar badan laga hadlaa in aan deequhu ka jawaabin baahida dhabta ah ee jirta ama aanay iman wakhtiga ku habboon. Waxaa iyaduna mugdi ku jiraa isla xisaabtankii loo baahnaa si loo ogaado xaddiga dhabta ah ee deeqda iyo inta ka soo gaadhay dalka. Waxaa arrintaa caddeeyay warbixinta ay soo saartay Wasaarada Qorshayntu, Somaliland Aid Flow report: “Most organizations responded and resubmitted their reports … while others did not respond at all. Some organizations, including UN agencies, reported data without showing the amount disbursed through their implementing partners, and for that reason, the ministry was not able to sum up the amount disbursed by UN
agencies and other INGOs”. Waxaa ka muuqata karti yarida xukuumadda, waxay abuuraan deequhu mararka qaar maamul xumo iyo musuqmaasuq gundheer oo sii taxan ilaa xafiisyada debadda ee laga diro. Ma inagaa kaalinteennii gabnay oo xoolihii layna siiyay dhoobi ka noqonnay mise deeqda dunida ayaa ah qawda maqashii waxna haw qaban? Akhristaha aan u dhaafo.

Waxaynu ku soo ururinaynaa sababaha fursadaha siiya maamul xumada, musuqmaasuqa iyo isla xisaabtan la’aanta dhawrkan qodob; Debeca maamul iyo goldaloolooyinka shuruucda, dadka ka shaqaynaya qaar ma fahamsana ama sida qaldan ayaabay saxdii moodayaan, qaar waxaanay lahayn awood siyaasadeed oo ay mawqifkooda ku dificaan ama aqoon ahaan ayaanu ku soo bandhigi karin waxa uu doonayo, qaar kale waa musuqmaasuq ama isaga oo daacadba ah ayaa lagu maxlashaa musuqmaasuqa oo uu gabbood u noqdaa isaga oo aan is ogayn, qaarna waxay soo sallaxaan kubbadda oo waxay ku shaqeeyaan aragtida siyaasadeed ee dalkooda amaba deeq bixiyaha uu u shaqaynayo dan u ah, mana xaaleeyaan dhibaatada gaadhaysa dalka mashaariicda laga fulinayo iyo saamaynta xun ee mucaawinadu gaysan karto. Xilliyadii aan xukuumadda ka mid ahaa, waxaa maalin maalmaha ka mid ah xafiiska iigu yimi wefti heer sare ah oo igala hadlayay deeqo ay ka fekerayaan balse aan weli na soo gaadhin oo waddooyinka ku wajahan. Waxay iila hadleen qaab ay ka dhadhamayso haddidaad iyo harawsi. Waxaan si aan gabbosho lahayn ugu sheegay qorshahayaga iyo hannaanka aanu ugu talogalnay hawsha, ugu danbayna si fiican ayaanu isu fahannay. Waxaan joogay aqalka dalka looga taliyo, oo waxaan fahmi karayaa culayska uu kala kulmi karo qofka jooga xafiisyada kale oo iga derejo hooseeya.
Haddaba, waxaa lagamamaarmaan ah in wax laga beddelo xaaladda jirta ee deeqaha iyo barnaamijyada mucaawinooyinka, iyada oo la samaynayo fahamka guud ee odhanaya dhaqaalahan deeqbixiyuhu wuxuu ugu deeqay dalkan ee hay’ada sidda iyo cida fulinaysaa may bixin sidaa darteed xaq bay u leeyihiin dalka la siiyay in ay ogaadaan xaddiga si aan mugdi ku jirin, meesha lagu bixinayo iyo sida loo fulinayo intaba. Marka labaad waa in uu jiraa nidaam ay isla qaateen hay’adaha mashaariicda fulinaysa iyo dalka laga fulinayaa, kaas oo aan maanta Somaliland ka jirin sida lagu sheegay isla warbixinta aan soo sheegnay ee Somaliland Aid flow report, “The absence of comprehensive Aid Management Platform has put the Ministry of Planning into difficult position to monitor and report the Aid flow level”. Sidoo kale jewi daahfuran oo ay isula jaanqaadi karaan laamaha ka shaqaynaya ee labada dhinac. Waxaa iyadanu loo baahan yahay hannaan warbixineed oo si mug leh loogu warbixinayo dawladdii deeqda la siiyay, deeqbixiyihii deeqda bixiyey iyo bulshadii deeqdu gaadhay, si ay u ogaadaan xaddiga soo gaadhay loona qiimayn karo midhaha ka dhasha mashaariicda. Ugu danbayn, Intan kuma koobna laakiin waxaa ka mid ah waxyaalaha labada dhinac looga baahan yahay
Dhinaca deeqda la siinayaa (Somaliland) waa in ay leedahay; Xeerka ama siyaasada deeqaha, Meelaha mudnaanta u ah qaranka, Talogelyadii iyo talooyinkii ka soo baxay bulshada iyo halka ugu danbaysa ee deeqdu gaadhayso, baadhista la sameeyay ee khataraha iyo carqaladaha iman kara, hannaanka hubinta iyo isla xisaabtanka, qaabka warbixinta iyo foomamka xogta dhinacyadu isugu gudbinayaan iyo qaabka wacyigelinta bulshadu u gaadhayso, xafiiska xogsiinta hay’adaha, buugyare xogside ah (information kit), iyo u fududaynta masuuliyiinta iyo xafiisyada ay shaqadu kaga xidhan tahay.
Dhinaca deeqbixiyaha (Donors) ah ugu horrayn waa in loo cayimaa shaqaale hoggaamin kara mashaariicda, taas oo uga baahan deeqbixiyaha iyo hay’adaha caalamiga ahi inta aan shaqada la bilaabin ilaa ay hubiyaan in kooxda shaqada fulinaysaa ay leedahay aqoontii iyo kartidii loo baahnaa. Bilawga qaabaynta iyo naqshadaynta barnaamijka (Project design) waxaa muhiim ah texgelinta ra’yiga iyo talo-wadaagta dawladda iyo hay’adaha fulinta shaqadu hoos timaaddo iyo dadka ay mashaariicdu gaadhayaan si ay mashriicdu ugu fulaan sida ugu wanaagsan ee loogu baahida badan yahay ama raandhiiska u leh bulshada, xog xaqiiqo ku dhisan iyo cilmi baadhis ka turjumaysa waaqica jira, hubinta in aan mashaariicdu salka ku hayn waxyaalo abuuri kara khilaaf iyo mushkilado, waana in uu jiro qaybta hagitaanka iyo kormeerka mashaariicda.

Xirsi Cali X. Xasan, Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani.

Comments

comments