Guddoomiyaha golaha Wakiilada Soamliland ayaa sheegay in aan Cidina buuxinayn xubinimadii uu ka geeriyooday alle ha u naxriistee xildhibaan Cali Aareeye, oo todobaadkan ku dhintay waddanka Turkiga.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay dhammaadeen dhammaan xildhibaanadii kaydka ka ahaa ee xisbigii UDUB ee gobolka Awdal.

Jagadaasi ayaa banaanaanaysa ilaa inta golaha wakiilada cusub la dooran doono.

golaha wakiillada Soamliland ayaa la doortay sannadkii 2005 taas oo keentay in kaydkii xisbiyadu inta badan dhamaadaan,