“Somaliland Waa Mucjiso Ku Dhex Taalla Bad Dhib Badan….” Dawladda Ingiriiska Oo Caddeysay Inay La Shaqeynayso Somaliland, Kuna Ammaantay Guulaha Ay Gaadhay

0
573
File photo dated 12/05/15 of Africa minister Rory Stewart who has said the end of the "brutal tragedy" of Robert Mugabe's rule in Zimbabwe could transform the country, but his departure cannot be taken for granted. PRESS ASSOCIATION Photo. Issue date: Monday November 20, 2017. See PA story POLITICS Zimbabwe. Photo credit should read: John Stillwell/PA Wire

Wasiirul dawalaha Iskaashiga caalamiga ah dalka UK, Mr. Rory Stewart, ayaa ammaanay Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay mid tallaabasatay  Guullo wax ku ool ah, waxaanu caddeeyey  inay kala shaqeyn doonaan Doorashada Baarlamaanka ee soo socota.

Wasiirul-dawlaha Iskaashiga Caalamiga ah ee Ingiriisku wuxuu sidaasi ka sheegay fadhi uu maanta yeeshay baarlamaanka UK , oo Xildhibaan Stephen Doughty oo ka mid ah saaxiibada Somaliland ee laga soo doorto Koonfurta Cardiff uu wax waydiiday inay Dawladda UK Somaliland kala shaqeynayso Saameynta isbeddelka Cimilada Adduunka, Doorashada soo socota ee Baarlamaanka iyo Wadahadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.

Siday werisay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA), Mr. Rory Stewart wuxuu Somaliland ku sheegay inay ku taallo bad ay dhibaatooyin badani ka jiraan, waxaanu qiray inay guullo badan gaadhay, halka uu Soomaaliyana ku tilmaamay mid ay taagan tahay xaalad adagi.

Mr. Rory Stewart Wasiirul-dawlaha Iskaashiga caalamiga ah Ingiriisku wuxuu sheegay in Dawladda UK ay Jamhuuriyadda Somaliland kala shaqeysay Doorashadii u dambeysay ee Madaxtooyadda, isla markaana ay ka taageerayaan Doorashada soo socota ee Baarlamaanka Somaliland. “Nasiib wanaag waxaan la kulmay booqashadaydii u dambeysay ee aan ku tagay Somaliland, madaxweynaha hadda talada qabtay. Waxaan filayaa inay jiraan wax badan oo aynu la qaban karno Somaliland, waxaan ku faraxsan nahay inaan la fadhiisan doono xildhibaannada si aanu uga wada hadalno qoddobada Somaliland khuseeya,”ayuu yidhi Mr. Rory Stewart.