Fadeexad Ka Dhalatay Wasiirro Si Qarsoodi Ah Mushaharka U Kordhistay

0
658

Qaramada Midoobay ayaa cambaaraysay maamulka Falastiiniyiinta ee aan lacagta badan haysan ee hadana la ogaaday in wasiirradii hore ee xukuumaddu si qarsoodi ah mushaharka iskugu kordhiyeen 67%.

Waraaqo sir ah oo soo baxay ayaa muujiyey in mushaharkooda oo ahaa 3000 oo doolar ay sannadkii 2017-kii korodhsadeen oo ka dhigteen 5000 oo doolar.

Ergeyga Qaramada Midoobay ee nabadda Bariga Dhexe, Nickolay Mladenov, ayaa sheegay in falka noocaas ahi aanu “caqli gal ahayn dadkana ka cadhaysiiyey” iyada oo Falastiiniyiintu la daalaa dhacayaan dhibaatooyin dhaqaale.

Waxaanu intaa ku daray in ra’isal wasaare Maxamed Ishtaayeh aqbalay in hab dhaqankaa la joojiyo.

Ishtaayeh oo qudhiisu ah dhaqaaleyahan ayaa xilka la wareegay bishii Abriil, waxaanu amar ku bixiyey in la baadho arintaa, inta uu socdona wasiirada la siin doono kala badh mushaharkooda.

Waraysi uu siiyey wargeyska New York Times Arbacadii ayuu Ishtaayeh kaga dayriyey duurfaha adag ee maaliyadeed ee haysta oo uu yidhi “xaaladdu burbur bay qarka u saarantahay” waxaana dhici karta in xukuumaddu musalafto bisha Juulaay ama Ogost.

Culayska maaliyadeed ee haystaa wuxu ka sii daray bishii Feeberwari markii xawillaada cashuuraha ee Israel u ururiso Maamulka Falastiiniyiinta ay isku khilaafeen.

Israel ayaa sheegtay in ay hakinayso oo aanay u soo daynayn 139 milyan oo doolar, lacagtaas oo u dhiganta bay tidhi dhaqaalihii Maamulka Falastiiniyiintu siiyey sannadkii 2018 qoysaska Falastiiniyiinta ku jira jeelasha Israel ama la dilay iyaga oo weerarro ku qaadaya.

Waxaanay saraakiisha Israel sheegeen in lacagtaasi dhiirri geliso argagixisada, laakiin Maamulka Falastiiniyiintu wuxu ku adkaystay in ay tahay daryeel bulsho oo la siiyo ehelada maxaabiista iyo “shuhadada”.

Ishtaayeh ayaa oo arinta ka dardaar weriyey ayaa sheegay hadii Maamulka Falastiiniyiinta maaliyad la’aani ku habsato in ay ciidamada nabadgelyada ee ka hawl gala Daanta Galbeed ee la haysto ay ku kala diri doonaan fasax bilaa mushahar ah.

Ra’isal wasaaruhu waxa kale oo uu dhaleeceeyey isku dayada cadaadiska “baqe ku maalka” ah ee la saarayo hogaamiyeyaasha Falastiiniyiinta si wadaxaajoodyada dib ugu bilaabaan ka hor inta aanu furmin shirka mudada dheer la sugayey ee dib loogu bilaabayo geedi socodka nabadda Bariga Dhexe.

Sannadkii 2018-kii ayaa Maraykanku jaray taageeradii uu tooska u siinayey Falastiiniyiinta iyo qaadhaankii uu siin jiray hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka Falastiinyihiinta ee UNRWA.

Go’aannadaasna wuxu Maraykanku qaatay markii Maamulka Falastiiniyiintu xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee ka dhexeeyey hakiyey, taas oo uu kaga falcelinayey go’aankii Madaxweyne Trump magaalada Quddus ugu aqoonsaday in ay tahay magaalo madaxda Israel ee uu safaaradda Maraykanka kaga raray magaalada Tel Aviv.

Hase yeeshee ergayga gaarka ah ee Trump u qaabilsan wadaxaajoodyada caalamiga ah, Jason Greenblatt, ayaa ganafka ku dhuftay dayrada Ishtaayeh ee ah duruufta maaliyadeed ee haysata Maamulka Falastiiniyiinta.