Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid (Dahabshiil) ayaa ka faallooday xidhiidhka ganacsiga ee Ingiriiska iyo Maraykanka oo madaxweyne Donald Trump sheegay in kor loo qaadayo iyo arrinta ka bixitaanka Britain ee midawga Yurub.
Madaxweynaha Maraykanka oo maalmihii la soo dhaafay safar ku joogay dalka Ingiriiska ayaa sheegay in waddanka Ingiriiska ay u fiican tahay in uu ka sii mid ahaado Midawga Yurub, sidoo kalena la dardar gelinayo xidhiidhka ganacsi ee Maraykanka iyo Ingiriiska.
Cabdirashiid Dahabshiil oo laanta Af Soomaaliga ee BBC-du faahfaahin dheeraad ah ka waydiisay hadalka Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in Ingiriiska ay u fiicnayd ka mid ahaanshaha Yurub marka laga eegayo dhanka furfurnaanta ganacsiga laakiin, la ixtiraamayo go’aanka bulshada Ingiriiska.
Cabdirashiid oo sharaxaad ka bixinaya waxyaabaha uu ku qotomo heshiiska lagu dardar gelinayo ganacsiga Maraykanka iyo Ingiriisku waxa uu yidhi “ Madaxweynaha Maraykanka iyo Ra’isal wasaaraha Ingiriiska labaduba waxay wateen ganacsato badan oo dalka Maraykanka ka yimid iyo kuwo dalka Ingiriiskaba ka yimid oo waxa lagu shiray xafiiska Ra’isal wasaaraha. Waxa laga hadlayay sidii dhaqaalaha iyo isku xidhka Ingiriiska iyo Maraykanku u sii balaadhan lahaa ee shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay sida Dahabshiil oo kale iyo kuwo kaleba uga qayb qaadan lahaayeen horumarkaa soo kordhay,” Waxaanu intaasi raaciyay in ay Maraykanka iyo Ingiriisku yihiin bahwadaagta ugu weyn ee dhanka ganacsiga oo dadka Ingiriisku maalgashi badan Maraykanka gashadaan taa bedelkeedana dadka Maraykanku maalgashadaan Ingiriiska.
Geesta kale Madaxweyne Trump oo sheegay in Ingiriiska ay u fiican tahay ka sii mid ahaanshaha Midawga Yurub ayaa hadalkiisa wax laga waydiiyay Cabdirashiid Dahabshiil waxaanu yidhi “Runtii ganacsigu isu furfurnaansho ayuu ku fiican yahay, in meel walba shirkaduhu ka shaqeeyaan bay ku haboon tahay, in ay waddan walba shaqo ka abuuraan bay ku haboon tahay laakiin, mar walba waxay ku xidhan tahay dadka codaynaya, sida aad la socotaan dadka Ingiriisku waxay u codeeyeen in ay ka baxaan Yurub, siyaasiyiinta iyo ganacsatada Waddankan Ingiriiskana waa lagu kala qaybsan yahay dood badan baa ka socota qaar badan waxay leeyihiin ha lagu ixtiraamo dadku wixii ay doorteen waxaanay u badan tahay in waddanka Ingiriisku bisha October ka bixi doono Midawga Yurub, waxyaabaha ay Maraykan ula hadlayaana waxa ka mid ah ganacsi furfuran oo Ingiriisku la yeesho Maraykanka, Yurub, Afrika taas oo fursad muhiim ah u dhalinaysa ganacsatada Soomaaliyeed ee Adduunka oo dhan joogta iyodadka shaqo abuurka leh, Dahabshiil haddii aanu nahayna waanu ku faraxsan nahay fursadahaas maaddaama aanu Yurub ka shaqayno, UK iyo Maraykan ka shaqayno.”
Cabdirashiid waxa uu sheegay in durba Dahabshiil la jaanqaaday isbedellada uu keenayo ka bixitaanka Yurub ee Ingiriisku,islamarkaana aanay wax saamayn ah ku yeelanayn maalgashiga ay Yurub ka waddo iyo u adeegga macaamiisha “ Kuwa Yurub jooga iyo Ingiriiska jooga ee imikaba adeegga wax saamayn ah kuma qaadanayso waayo waanu ka sii taxadarnay wakhti badan baanu galinay waanan u aragnaa runtii in Waddan walba lacagtiisii caadi u diri doono,” ayuu yidhi Maareeyaha Dahabshiil Group cabdirashiid Dahabshiil.