“Xukuumaddu Cabudhinta Ay Sharciga Ku Hayso Ha Joojiso..” Xildhibaan Siciid Gaane

0
615

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inaanu deg deg ku salayn go’aamada uu qaadanayo ee uu u tallo badsado.

Xildihbaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa wuxuu sheegay inay hoggaaminta Madaxweyne Biixi ka muuqato sidoo oo uu weli yahay siyaasi mucaarad ah.

Ugu horayn wuxuu isagoo xildhibaanku ka hadlaya maxaabiista Puntland ee la sii daayay uu yidhi

“Markay Wadamadu dagaal dhexmaro, inta badan Maxaabista la kala qabsado waa la isku sii daaya, waana la is weydaarsadaa, weyna fiicantahay  in Maxaabiista la sii daayo, laakiin muhiimada ayaa ah Somaliland maxay ku bedelatay Maxaabista la sii daayey, ilaa hadda wax muuqda oo ay ku bedelatay oo ay inoo sheegtayna ma jirto,inta ay Maxaabiis sii daynaysana waxaan odhan lahaa waxaa jiri kara  dad badan oo bilaa xukuna oo iska xidhan, waxaa laga yaaba inay jiraan dad badan oo reer  Somaliland ah oo masaakiin ah, oo laga yaabo inay dulmi iyo cadaalad daro u xidhan, ee Xukuumadda waxaa laga rabay inay baadhis ku sameeyso dadkaas masaakiinta ah ee jeelasha iyo saldhigyada buuxa ee   xidhan, inay ogaato sababaha ay u xidhan yihiin, waxayna kale oo ahayd inay ogaato, inay cidda ay u xidhan yihiin,  markaas Xukuumaddan Muuse Biixi deg deg iyo fududayd ayaa ku jira, waxaana laga yaaba oo muuqda  inay wali Mucaarad isku haysato, balse waxaan leeyahay Madaxweyne Muuse Biixi wali ha is moodin inaad tahay Mucaarad, ee waxaad tahay Madaxweynihii qaranka ee wax walba deganaan ku xali”.

Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey xadhiga Xildhibaan Dhakool ayaa wuxuu yidhi “Xildhibaan Dhakool, waa Xildhibaan Xasaanad leh, haddii wax loo sheeganaynaa dacwada loo haysto dariiq iyo dhabo loo maro ayuu leeyahay, Xeer Ciqaab oo la marin karano ma jirto, mana aha xeer Dastuuriya, markaas Xukuumaddani sharcigii bay cabudhin ku haysaa,markaas Xukuumadda waxaan leeyahay xeerka ciqaabta mar walba lama adeegsado, cid gaar ahna looma adeegsado, ee qaabka loo adeegsado iyo cidda dambiga gasha loo adeegsado wey caddahay ee Xukuumaddu cabudhinta ay Sharciga ku hayso ha joojiso, oo Dastuurka yaanay si khaldan u adeegsan”.