Guddoomiyihii Garabka Dhalinyaradda Xisbiga WADDANI Oo 31-casho Xabsi Aan Sharci Xalaalayn Xukuumaddu Ku Haysato.

0
668

Gudoomiyiha Garabka dhalinyarada Xisbiga Mucaaridkaa ee Waddani Mudane Maxamed Siddiiq Dhamme waxa uu malintii 31-aad Xabsiga ugu jiraa Aragtidiisa Siyaasigaa taasi oo Caqabad weyn ku ah Nidaamkii Siyaasadeed ee Dalka taasi oo ka horimanaysaa nidaamkii Dimuquraadiyadeed ee Dalka.

Ma jirto waxa Faldabiyeeda oo uu faraha kula jiray Gudoomiye Dhamme oo uu Sameeyay, Ma jirto Abaabul iyo Arbushaad liddi ku ah Amniga Dalka oo uu Sameeyay, sidaasi oo ay tahay kaliya waxa lagu haystaa maxaad aragtida siyaasigaa u baahisay, waxa lagu haysta Gudoomiye Dhamme qoraal kooban oo uu ku qoray bartiisa Facebooga.

Nidaamka Dimuquraadigii waxa uu ogal yahay in la dhaliilo oo wax laga sheego madaxda inta qaadatay Nidamanka Dimuquraadigaa, Tusaale ahaan Madaxweynaha Maraynkanka oo ah kan Dunida ugu Awooda Badan Si kasta waa loo dhaliila Xataa Cirdigiisa ayaa wax laga sheegaa mana jirto cid lagu tacadiyo oo loo xidhaa.

Somaliland wali waxa ka shaqeeya Xeerarkii Dawladii Somaliya ee uu saxeexay Madaxweynihii Hore ee Somaliya Aadan Cabdule Cismaan (Aadan Cadde). xeerarkaasi ayaa loo adeegsaday oo uu u xidhan yahay Gudoomiye Dhamme, una Diiday xataa in la Damiinto!

Falalka Noocani waa kuwo Caqabad ku ah Xuquuqal Iisaanka, waa kuwo liddi ku ah in si dhaba loo doodo oo lays qanciyo, waa kuwo Jalaafo ku ah Aqoonsiga Somaliland.

Gudoomiye Dhamme waa shaqsi isku kalsoon oo aan inama waxa cidhiidhiyi ku ahayn Xadhiga uu xidhan yahay, kuna kalsoon Fikirkiisa, Ogsoona in uu guuleysan doono Sharcigu, waxaanu halgan ugu jiraa sidii ay Somaliland uga hirgali lahayd Nidaam Dimuquraadiya oo Sax ah.