Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabey Danjire Cusub

0
695

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkar in uu noqdo Danjiraha Somaliya u qaabilsan dalka Boqortooyada Sucuudiga.

“Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Danjire Cabdixakiim u leeyahay gudashada waajibaadka Danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Danjiraha Cusub inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.