Dowladda Holland Oo Aqoonsatay Baasaboorka Shaqada Iyo Diblomaasiga Ee Soomaaliya

0
620

Dowladda Holland ayaa aqoonsatay baasaboorka Soomaaliga, gaar ahaan kan Shaqada ee loo yaqaano Servive iyo Diblomaasiga, iyadoo lagu geli karo dalkeeda.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Faqi ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Holland ay si rasmi ah u aqoonsatay in dalkeeda lagu geli karo Baasaboorada Diblomaasiga iyo Shaqaalaha ee Soomaaliya.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladda Netherlands ay aqoonsatay Baasaboorka Diplomaasiga iyo kuwa Service-ka laga soo bilaabo May 15 2019, Baasaboorada la aqoonsaday waxaa laga soo bilaabay kuwa la bixiyay 2014-ka” ayuu yihdi Cali Saciid Fiqi.

Dalal dhowr ah ayaa hore u aqoonsaday Baasaboorka Soomaaliya, waxaana dhowaan dowladaha Belgium iyo Luxemburg ay aqoonsadeen Baasaboorka Soomaaliga, gaar ahaan Diblomaasiga iyo Service.