Muniir Axmed Cigaal Oo Qormo Xasaasi Ah Ka Qoray Beel Lagu Eedeeyo Somaliwayn Iyo Cidda Ku Eedaysa Oo Uu Farta Ku Fiiqay

0
695

Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Xisbiga WADDANI ayaa qormo xasaasi ah wuxuu ka qoray beel lagu eedeeyo Soomaaliya iyo cidda ku eedaysa.

Muniir Axmed Cigaal oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook-ga wuxuu u dhignaa sidan:

“Ilaa markaan gaashaan qaaday horaanti Sagashamaadki waxan ku kacaamay Garxajis waa Soomaliwayn…. Marar badan waxaan is waydiiyay siday Soomaliwayn ku yihiin ma qaybo beeshaas ah ayaa Jubbooyinka la haysta amma degan. Ololihii Doorashadii 2017-kii Kalmadii ugu waynayd ee Murashaxii KULMIYE xanbaartay waxay ahayd “Garxajis lagu aamini maayo Jamhuuriyadda Somaliland “ Oo waayo inta yadii tidhina dheg jalaq looma siin, Somaliland ta kale ma lahayn ee Isaaq uunbay ahayeen wixii laha .

December 2016-kii ayaanu annagoo ah Waftiga Xisbiga WADDANI waxaanu safar shaqo ku tagnay Caasimadda Dalka KENYA ee Nairobi, Wafti ballaadhan oo Somaliland oo dhan ka kooban ayaanu ahayn sidaad Sawirka ka aragtaan, markiiba waxa la yidhi Siyaasiyiin Soomaliwayn ah ayay Waftigii WADDANI Nairobi kula kulmeen. Dadka suuqu iskamay odhane Murashaxii KULMIYE Muuse Biixi oo hadda Madaxweyne ah ayaa yidhi “Waa In labada Gole Deg Deg isugu yimaadaan khiyaamo Qaran ayaa dhacday waayo Madaxdii WADDANI ayaa Nairobi xubno Soomaaliya ah ku arkay oo kula shiray“. Alle waa ogaa IGAD iyo Midawga Yurub iyo Midawga Afrika iyo Beesha Caalamka Safiiradooda oo Maraykanku ku jiro ayaanu la kulanay. Markii aanu ka hadalnay gaar ahaan aniga Iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxa la yidhi “idnka Huteelka ayaa laydinka tagay oo Dr. Maxamed Fadal, Guddoomiye Cirro iyo Siyaasi Ismaciil Buubaa ayaa shirka galay .. Waa saddex xubnood oo Waftiga ka mid aha oo isku beel ah.

Haddii hadaba maanta Muuse Biixi iyo Xukuumadiisu si kasta ula kulmaam Farmaajo iyo siyaasiyiinta Soomaliwayn Sharci ka yaala iyo cid ku shaanbadaynaysa ma jirto, bal iska daaye waxa la odhanaya “Qaranka ayay u shaqaynayaan waa Mujaahidiin oo loo war wari maayo”. Guddoomiye Cirro-na markii Soomaliya ay dhaaftay Qatar 🇶🇦 buu la kulmay ayaa bahalo galin laynooga dhigay . Haddaba Mar haddii waxa waxan isku samaynayaa Isaaq dhexdiisa tahay, siyaasad maha ka sii gundheer xeeshu, Ninka Walalkaa ah ee aad mar hore gacani kaga dhacday arrinkaas ee laga heshiiyay ee Dastuurka aad u wada codayseen ee Halgankii kula halgamay ee hadduu doono ka dhimashada badnaa ee hadana aad Doorasho isagoo kula galayaa tidhi meel aad wada leedihiin ku aamini maayo ee ay ku shaqaysay ee ku dhacay, ee aanad ka raali galin markaad soo baxday ee kursigii timi ee hadana isagoo dhacay oo aad ku fogaysay Calankale & Dalkale ayuu la haysta wali aad ku sii wado ee Xanteena waxba inooma kala qarsoone wali aad leedahay waa Soomaliwayn, ee aadigu aad maalin walba la kulmayso kuwaad isaga ku nabayso waa laba mid uun.

In kuwa Soomaliwayn lagu eedaynaayo inay yihiin (Beesha Garxajis ) ay iyagu waalan yihiin ileen haddii kale garbay u dhigan la hayeen oo amma waa lagu cadayn laha amma Edab darrada mar danbe loo lama yimadeene iyo in Isaaqa kale waalan yahay oo garan la yahay waar Nimankan ka hadha aad walaalaha tihiin waa labada mid uun, qodob saddexaad ma jiro. . Haddaba amma Garxajis ayaa miyirsan oo Gole madalwayn oo Somaliland joogto u dhigan Isaaq, amma Isaaqa kale ayaa miyirsan oo dib isugu noqon labadaa mid ayay noqon doonta, haddii kale waligeen waxaynu ku jirin WADDANI waa qaran dumis iyo Waa Halkii Madaxweyne Muuse Biixi WADDANI iyo tageerayaashiisu ha ku qancaan 18 May iyo wax la mid ah oo Somaliland aanay ku sii jiri karin.. .

Ramadaan Kariim

Tusan

Muniir Axmed Cigaal

Sweden