“Horta Heego Waa Ayo?” Maxamed Baashe Xaaji Xasan

0
1134

Horta Heego waa ayo?

Tixdan koobani waxa ay ka mid tahay qoraallo ka warramaya Heegada Muuse Bixii iyo cidda hormoodka ka ah xukuumadda dhexdeeda iyo dibaddeedaba.

Tixdan oo soo baxday 20.05.2019. Waxa ay qeexaysaa hab-dhaqanka Heego iyo foolxumadiisa. Waa jeedal iyo shaabuug ku laba dhacaya oogada yo dareenka Heego iyo canbuuleysigeeda.

Tixdu uma aqoonsana Heego in ay tahay reer. Sinaba marka la eego dhaqan xumidooda, boobkooda iyo dhacooda hantida ummadda iyo isku naasnuujintooda reerna uma aanoobo, wax se eeddu dusha ka saaran tahay madaxweynaha Somaliland oo samaynteeda leh, isku hallayna ay ka haystaan. Waa gardarro garab og oo ku sarkhaansan awoodda la siiyey iyo mashaariic isugu fuutinta wadaaggeeda.

Waxa kale oo u aanooba wasakhnimadaa ciddii ugu sacabba tunta ee ku taageerta ama lufluf yar oo sandareerto ah oo ay ka helaan awgii ama sababo kale oo indha-garasho caaddifadeed ay kow ka tahay.

Tixdu waxa ay si toos u karbaashaysaa hoggaanka Heego iyo abaabulayaasheeda in gudo ku sheeggan iyo dibad ku sheellan ba oo qof qof loo garanayo, dhowaanna ay suurto gal tahay in dhaayaha bulshada la soo hor dhigi doono marka loo baahdo, haddii uu Alle idmo.

Waxa ay tidhi:

Heego waa dhufays qodan
Dalqadaa gun dheerta ah
Dhaayahoodu weeyaan
Dhaadmada dareenkana
Waxa dira dhanqalankiyo
Dhuunigii calool gala.

Waxa ay dhabqinayaan
Dhaantadii la tumi jirey
Waa dhaqan gurracanoo
Waxa badan dhibkoodoo
Dheeftoodu waa cudur
Xaaraan la dhabaqsado.

Waa dhidar xabaal dedan
Ugu dhacaya meydkoo
Dhooqo soo qufaayoo
Dhaaddantii walaalnimo
Wada dhalashadeedii
Dab dhexdooda gelinoo
Isku dhidhin tolweynaha.

Dhoohantaa ku badanoo
Waa wada dharaar maal
Dhuuni-qaata-yaal iyo
Waa wada dhegweyn iyo
Dhullax iimo badan iyo
Dhurwaa maalintii ciya.

Dhiillo huursan weeyaan
Dhegxumaantu waw wehel
Garashadu dhibaatiyo
Dhaawacooda weeyaan
Isu dhiganta waayaha
Samo kuma dhabriiraan.

Inta dhoof ku maqaniyo
Inta degel ku magac dheban
Waxa loo dhammeeyaa
Mashaariic dhan qudha jira
Dhiib dhiibashadu tahay
Dhaban qaawan sararaha.

Dhalanteedka beentaa
Ugu filan dhaqaaloo
Dhawrsanaantu waw cadow
Dhaqan iyo xishood ma leh
Dhaxal duugga hadha iyo
Dhito waa ka garanuug.

Marna waa dhamiijiyo
Dhurde hayjad joogiyo
Dhuuryada hamuunta leh
Dhurruq maalinweyn kacay
Dhaylo dubato naaxdoo
Bahalnimo u dhuratoo
Nuugaysa dhiig gacal.

Ri’yahaa dhaqaaq socod
Dhaameelka loo ruxo
Orod dhabaabaceeyoo
Geesaha dhexdoodiyo
Isku riixa dhinacyada
Dhabtu waa hunguri xumo.

Qaran lagu dhillaystiyo
Dhaldhalaalka suuqaa
Uga dhigan kitaaboo
Dhulku waa in-araggood
Ma dhaafaan duleedkiyo
Dhamastay ku ababeen.

Dawladnimo dhankeedii
Sharci adag dhiskiisiyo
Dhaabadaynta xeerkiyo
Cadli dhawristiisana
Dheri saaran oogtiyo
Dhuxushay ka jecel yiin.

Weli geed dhillowyahan
Dhulka hoose kama bixin
Dheecaan yaalla kama qado
Dhir kaluu ku maran yahay
Dhalankooda yeeshaa
Dheeraad ka doonaa.

Dhaadhaanku faan badan
Irbadse dhuub ma gelin karo
Wuu hadaaq dhurmaayoo
In uu dhaarto mooyee
Hadal kama dhabayn karo
Afka dheer ma xidhi karo.

“Dheeraad nin haystoo
Aqalkiisu dhagax yahay
Nabad iyo ku dhaqankeed
Hadduu tuuryo dhaafsaday
Jiitamaa dhammaysee
Maan dhadhaabka xaabsado”.

Dhagar lama sahaayoo
Lama dhacayo nabarkee
Dhugtu waa dareen kicin
Inaan dheelli-tire jirey
Dhufayskiisa ugu galo
Ninka dheesha ku qarribey.

Dhubuq dhubuq horreetana
Dhabannahays dambaysaa
Dhuuxow yarow hareer taal
Immisaa nin dhumuc weyn
Dhukanoo is waal badan
Dhaar-jiidh badnaa jabay!

Dhacarsigu lur badanaa
Dhaaxay ayaamuhu
Waayuhu dhirbaaxeen
Dhabandaadyo mamayoo
Dhacadiid u jiifsaday
Siiyeen dhunkaal suna.

Tixdu waa dhambaal iyo
Hadal dhoomo culus sida
Maaha dhego-barjayn iyo
Dhasalaalaq bood bood
Daymo dhacan leh weeyoo
Dhahar loogu talo galay.

Runta oo la dhalanrogo
Been baa ka dhalatoo
Dheehii wacnaa baa
Dadnimada ka dhaca oo
Inaan sharafi sii dhiman
Dhawaaqeedu weeyaan!

Maxamed Baashe Xaaji Xasan, London 20.05.2019.

Fiiro gaar ah: si farshaxannimo leh falanqayntu kuu furan, hana bixin mawduuca, haddii kale far baa taagan.

Tu san.

Maxamed Baashe