Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro oo maanta warbaahinta kula Hadley hoyga uu Hargeysa ka degan yahay ayaa waxaa uu ugu horeyn tacsi u diray dadkii ku dhintey roobabkii xalay Hargeysa ka Da.ay waxaana uu nasiib daro ku sifeeyey in madaxweyne Biixi xalay uu kormeer ku tago baliga Daami oo uu hore amar ugu bixiyey in biyaha laga sii daayo balse ilaa iminka sanad kadib waxba aan laga qaban dhibtiisi-na wali taagan tahay

Sidoo kale Gudoomiye Ciro ayaa waxaa uu beeniyey in uu Nairobe kula kulmay Safiirada dalalka Mareykanka iyo Qatar u fadhiya dalka Somaliya , balse waxaa uu hoosta ka xariiqay in aaney jirin cid u yeedhin kara safiirada uu la kulmaayo

Dhinaca kale Dr Ciro ayaa sharci daro ku tilmaamay xadhiga Xildhibaan Dhakool iyo gudoomiye Maxamed Sadiiq

Comments

comments