Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Bulshada Ka Codsaday Inay Caawiyaan Dadka Masaakiinta Iyo Foqorada Ah

0
892

Wasiirka Oo Farriin Xilliyada Eedaanka Suxuurta Iyo Saaladda Subax U Diray Mu’diniinta Masaajidada

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa ka codsaday bulshada reer Somaliland inay dhexdooda isku naxariistaan, isla markaana ku dedaalaan sidii loo caawin lahaa dadka masaakiinta iyo foqorada ah muddada lagu jiro bisha barakaysan ee ramadaanta.

Wasiir Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa Caasimadda Hargeysa maalintii Salaasada, waxa uu sheegay in diinta islaamku ka digtay in qofku seexdo isagoo dheregsan iyadoo jaarkiisa lagu gaajoonayo.

“Ninka baaba’ay ee hoogay ee jabay waa kuma? Nebigu SCW waxa uu yidhi; ‘ninkaas waa ka soo hoyda ee gurigiisa ku gabbal-dhacsada isagoo dheregsan, jaarkiisuna ay dhinaciisa ku gaajoonayaan.’ Markaa waxa weeyaan in aynu jeebkeena ka soo saarno waxa ku jira oo ku caawino dadka dadka masaakiinta ah oo aynu afurinayno,” ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu.

Waxa kaloo uu baaq u diray mu’aadiniinta masaajidada oo uu faraxay in aanay eedaanka hore ee suxuurka ka horaysiin saacaddu marka ay tahay 4:45 daqiiqo, isla markaana eedaankaasi uu noqdo mid mar qudha la addimo oo aan lagu celcelin, si aanay dadka suxuurayana ugu khalkhalin.

“Waxa aan farayaa mu’adinniinta masaajidada in aannu eedaanka koowaad ka horayn saacaddu marka ay tahay 3:45 AM oo addimaaddu noqoto xiligaas, iyadoo uu eedaankaasi sheegayo xiliga suxuurta la cunayo oo qofkii salaatul-layl tukanaya ayuu joogso leeyahay oo qofkii hurday ayuu toos leeyahay oo u diyaargaraw in aad cunto suxuurtaadii, iyadoo eedaankaas aan lagu darayn keladda; ‘Asalaatul khayrul mina-nawm.’ (Salaaddu waxay ka khayr badan tahay hurdada), laakiin kelmaddaas waxa lagu darayaa eedaanka subaxa ee aynu ku joojinayno cuntada oo inta badan dhacaya 4:30 AM ilaa 4:24 AM ama 4:26 Am oo intaas ayuu noqdaa oo saddexdaas daqiiqo ayuu marba noqdaa oo sida ay u kala fogfog yihiin xaafadaha Hargeysa, laakiinse waxa u dambaysa waa 4:30 AM, waana eedaanka salaadda ee aynu ku joojinayno cuntada, eedaanka horena waa 3:45 AM oo ah eedaanka aynu doonayno in mar qudha la addimo oo xiitaa mu’adinka ka habsaamaa aannu mar kale ku celin, waana in masaajidadu ay mar qudha sameeyaan eedaankaas hore ee suxuurta lagu cunayo,” ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu.

“Fariinta labaad ee aan dirayo waxay tahay, imminka marka laga baxo salaadda subaxa ama salaadda duhurka waxa aynu caadaysanay oo dadkuna ay nasanayaan oo dadku doonayaan inay yara seexdaan, waxa dhacaysa in masaajidada laga akhriyo casharo diini ah, markaa casharka ma cidda ku jirta masaajidka, mise cidda dibadda joogta waa in cidda masaajidka joogta loo furo makarafoonka gudaha masaajidka oo qudha oo casharka ha dhegaystaan ciddii doonaysa inay cashar dhegaysato ee ka faa’iidaysanaysa, laakiinse waa in sameecadaha iyo makarafoonka dibadda laga xidho oo xaafado jaar la ah masjidka ayaa jira oo waxa jira dad maanta oo dhan shaqaynayey oo doonaya inay in yar yara nastaan oo waxa jira dad xiligaas soo rawaxay oo dad inay seexdaan doonaya ayaa jira oo xalay oo dhan soo jeeday ama suxuurka ku soo jeeday, gaar ahaan haweenkeena barakaysan iyo dumarkeena Ilaahay khayrka ha siiyee inoo dedaalaya inta badan, markaa waxa aan idinka codsanayaa in imaamyada masaajidada iyo mu’adiniintu ay makarafoonka dibadda ka xidhaan.”