Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo ka Hadlay Habka loo Xaliyey Khilaaf ka Taagnaa Goobo Laga Dhisayo Berkedaha Biyo-qaybinta

0
706

Maareeye Maxamed Cali Daarood oo faahfaahiyey halka ay marayaan maraashiiricda biy-ballaadhinta Hargeysa iyo qaybaha ilaa hadda la dhammaystiray

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood, ayaa ka xog-waramay qaabka loo xaliyey muran ka taagnaa qaar ka mid ah goobaha laga dhisayo berkedaha biyaha u qaybinaya degmooyinka Caasimadda Hargeysa.

Maareeyaha oo waraysi siiyey telefiishanka Saab TV shalay, waxa uu sheegay in xarumo biyo-qaybin ah laga dhisayo shanta degmo ee Caasimadda Hargeysa, balse waxa uu xusay in khilaaf yar ka taagnaa laba goobood oo ka mid ah meelaha loogu talogalay berkadaha biyo-qaybinta degmada Gacan-libaax iyo dhismaha kaydka labaad ee xaafadda Gannad ee Degmada Ibraahim Kood-buur, iyadoo labadaas gooboodna hadda la xaliyey.

“Dhulka kaydka biyaha Hargeysa ee degmooyinka ay ka mid yihiin Axmed Dhagax, Maxamuud Haybe, Gacan-libaax iyo labadan degmo ee kale ee 26-ka June iyo Kood-buur oo dhawr meelood ayey ka taagnayd dhibaato dhinaca dhulka ah oo arrimaha dhulku waa arrimaha ugu badan ee imminka uu guud ahaanba culaysku naga saaran yahay. Markaa laba kayd-biyood ayaa ugu sii yara cuslaa oo arrinkoodu taagnaa, midi waxa weeye kaydka degmada Gacan-libaax, midna waa kaydkan weyn ee imminka biyuhu ku soo dhacaan oo kayd kale oo weyn laga samayn doono halka loo yaqaan Gannad, kaasna dhawr qoys ayaa degan oo iyaguna u baahan in laga raro, waayo hawl adag ayaa ka bilaabmaysa oo qalab badan ayaa la dhex dhigi doonaa oo shaqo badan ayaa markaa taal oo meel ay sii joogi karaan maaha,” ayuu yidhi Maareeyuhu.

Waxaannu intaas ku daray; “Haddaba dhulka kaydka biyaha ee Degmada Gacan-libaax oo ahaa meesha ugu dheer Gacan-libaax oo ku taal buurtaas ku taal degmada Gacan-libaax ayaa waxay ahayd mulkiyad gaar ah oo qoysas gaar ah ayaa iska lahaa, culayska ugu badan ee jirayna halkaas ayuu ahaa, sababtoo ah halkan Gannad dowladda ayaa leh oo waa dhul dan-guud ah, dadka deganna waxay u baahan yihiin in la raro, horena badankoodii waaba loo raray, markaa tan Gacan-libaax waxa aan runtii aad iyo aad ugu mahadnaqayaa odayaasha reer Hargeysa oo kala duwan dhammaantood iyo Dowladda Hoose ee Hargeysa iyo maamulka Gobolka Maroodi-jeex oo uu Badhasaabku ugu horeeyo oo waxa aannu samaynay dedaalo hawshaas lagu xallinayo bishii March oo aannu odayaasha reer Hargeysa ka codsanay taageero, waxaanna la sameeyey Guddi oo waxay Guddidaasi keentay in dadkaas mag-dhawgoodii la doono, ilayn dhulkii iyaga ayaa iska lehe, waxaana mag-dhawga markii hore lagu qiyaasay $84 kun oo doollar, waxayna odayaasha reer Hargeysa qaateen, gaar ahaan odayaasha degmooyinka 26-ka June iyo Gacan-libaax inay lacagtaas 50% ay iyagu bixiyaan muddo toddobaad gudahood ah oo ay magaalada kaga soo qaadaan $42 kun oo doollar, iyadoo ay $42 kun ee kalena ay dowladdu keento oo ay kala qaybsadaan Dowladda Hoose iyo Wakaaladda Biyaha Hargeysa, laakiin markii kale dhulka cabbirkiisu wuu ka yara badan sidii la moodayey oo waxa loo baahday lacag kale oo ahaa ilaa $19 kun oo doollar oo kale, lacagtaas kale ee $19 kun ee doollar ahna waxa culayskeeda bixiyey Dowladda Hoose iyo Wakaaladda Biyaha Hargeysa, odayaasha reer Hargeysa-sana woxogaa ayey ku dareen, markaa guud ahaan lacagta aannu u ururinay waxay ahayd $103 kun oo doollar.”

“Dadka meesha degan waxay u qaybsanaayeen laba qaybood ah oo dad meesha iyagu leh iyo dad ehelkoodu leeyahay, markaa dowladdu dhul ayey siisay dadkii meesha deganaa oo si fiican ayey yeeshay, waanan uga mahadnaqaynaa, hawshaasna imminka waannu dhammaystirnay, arrintaas oo sida loo dhammaystiray ay aad ugu farxeen qolooyinka innaga caawinaya mashruucan, gaar ahaan Jarmalku,” ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

Waxa kaloo uu ka hadlay halka ay marayaan hawlaha la xidhiidha mashaariicda biyo-ballaadhinta Caasimadda Hargeysa, waxaannu yidhi; “Mashruuca Biyaha Hargeysa oo in muddo ah aynu hadda ku hawlanayn meel wanaagsan ayuu marayaa. Mashruuca Biyaha Hargeysa waxa uu kala baxayey labada qaybood oo ah qayb magaalada dibaddeeda ah iyo qayb gudaha magaalada ah, shirkado kala duwan ay ku jiraan oo ay innaga taageeraan qaadhaan-bixiyeyaasha kala duwan ee dhinaca horumarka innaga taageera oo ay ku jiraan Midawga Yurub, Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF, Bangiga Horumarinta Jarmalka ee KFW iyo shirkadda CocaCOLA Africa Foundation, markaa imminka meel fiican ayey marayaan oo qaybo gabogabo ku dhaw way jiraan, qaybo sannadkan 2019 uun bilaabmayna way jiraan, sida mashruuca ay maalgelinayaan Dowladda Jarmalka oo qandaraaskiisa aannu bixinay dhammaadka sannadkii hore, dhagax-dhigiisuna ahaa bilawgii sannadkan.”

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, ayaa sheegay in hadda la dhammaystiray beebka weyn ee isku xidhaya xarunta biyo-soo-saarka ee Geed-deeble iyo Caasimadda Hargeysa, waxaannu yidhi; “Qaybaha hadda dhammaaday waxa ka mid ah beebkii isku xidhayey Hargeysa ilaa Geed-deeble oo ah beeb weyn oo 600 milimitar ay dhummucdiisu tahay, beebkaasi oo dhererka la soo dhigayey uu ahaa 23km, waxa Ilaahay mahaddii ah inuu hadda inoo dhammaaday oo imminka qayb-qayb ayaa loo tijaabiyaa, ceelashiina weli kuma xidhna, laakiin si fiican ayey hawshaasi u dhammaatay. Qaybaha kale ee dhammaaday waxa ka mid ah dhismayaashii xarunta cusub ee biyo-soo-saarka Geed-deeble (pumping station) oo la dhammaystiray.”

“Hawlaha inoo socda waxa ka mid ah soo ururinta wejiga hore ee ceelasha biyaha oo ka socota degaanka Hora-haadlay iyo Geed-deeble, weji labaadna way yeelan doontaa oo 17 ceel ayaa imminka inoo diyaar ah, iyadoo 17-kaas ceel 10 (toban) ka mid ah imminka lagu soo xidhno nidaamka biyo-qaybinta (System-ka). Markaa waxa aannu qorshaynaa inta mashruucani socdo in ilaa lix ceel oo kale la qodo oo isna aannu ku rajo weynahay in taageerada ugu badan ka timaado Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF,” ayuu yidhi Maareeyuhu.

Waxaannu intaas raaciyey; “Mashruuca magaalada gudihiisa ee aannu dhawaan bixinay weli marxaladdii hore ee bilawga ahayd ayuu ku jiraa oo dhammaystirka mashruucuna saddex sanno ayuu ahaa, markaa waxa weli lagu jiraa in la keeno beebabkii iyo allaabtii kale ee dibadda laga keenayey, markaa hawsha biyaha Hargeysa runtii waa hawl ballaadhan, laakiin waqtigeeda u baahan inay si fiican ugu dhammaystiranto.”