CUKUSE Oo Ka Warramay Sababtii Uu Dalka Uga Maqnaa Iyo Dareenka Uu Ka Qabo Madaxweyne Muuse Biixi

0
671

Siyaasi Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ka hadlay sababta uu dalka uga maqnaa tan iyo doorashadii Madaxtooyada iyo sida uu arko xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Muuse Biixi, iyo waliba inuu dalka u yimmi in xukuumadda xil looga dhiibayo.

Siyaasi Cabdillaahi Cukuse ayaa arrimahaasi kaga hadlay markii uu shalay dalka dib ugu soo guryo noqday oo uu ka soo degay gegida dayuuradaha ee Cigaal Internation Airport.

Ugu horreyna, Cukuse waxa uu salaan u diray guud ahaan ummadda Somaliland, waxaanu ka warramay sababtii uu dalka uga maqnaa iyo waxyaalihii muddadaasi u soo qabsoomay, waxaanu yidhi, “Muddadii yareyd ee aan maqnaa Waxbarasho ayaan ku maqnaa, laakiin intii aan halkaa joogay waxaan ku dedaalay in aan ka mid noqdo dad badan oo ka shaqeynayey in dadka jaaliyada ee dalka Ingiriiska joogaa ay midoobaan intii doorashada ka danbeysay, wax badanina way suurto gashay, had iyo jeer khilaafaadka iyo wixii la sheegaa waxa  laga yaabaa inay inta badani buunbuunin tahay, laakiin wax badan oo ay dadku iska af garan waayaan ma yaalo, waxyaalaha aasaasiga ah oo dhan dawlad, shacab, mucaarid iyo ummaddu way isla wada ogoshahay oo nolosha caadiga ayey ka mid tahay in rayi marka uu jiro uu ra’yi kalena uu jiro oo wax la dhibsado maaha, waxaynu dhan uga soo wada jeedi karnaa waxa weeyi midnimada ummadeena iyo taageerada Qaranimadeena iyo hirgelinta nidaamkeena dimuqraadiyada iyo tartanka Axsaabta badan iyo ta ugu qaalisan oo ah nabadgelyada”. Cukuse waxa kale oo uu intaasi ku daray Qiimaha Nabadgelyadu leedahay, “Nabadgelyada waynu ku soo shaqeynaynay 28-kii sanadood oo maynu ku hungoobin oo khasaare kama joogno oo waxaynu ku dhidibnay dawladda aad arkeysaan quruxdeeda oo qofku marka uu gudaha joogo had iyo jeer ma arko ee marka aad dibada u baxdo ayaa Somaliland midabkeeda quruxda badan aad arkeysaa”.

Cukuse oo la weydiiyey inuu dalka ugu soo noqday in Xukuumadda xil looga magacaabayo ayaa waxa uu ku jawaabay, “Horta, Xil ayaa laguu magacaabayaa Koolajkii aan dhiganayey laguma haynin oo halkaasi may oolin ee waxaad adigu immika igu kordhinayso, balse xilka Qaranka mid hoose iyo mid sare ba waan ka soo qabanayey tan iyo ilaa markii ay Somaliland bilaabantay oo xilka ugu weyna waa Saxaafada oo waa kii aan hayn jiray oo la doonayo inuu ummadda isku hayo oo xilkana aad is dirto ayaa qaallisan, ka kalena dalkeenii ayeynu joognaa oo xuquuqda muwaadinka kale leeyahay ayuun baan leeyahay”.

Sidoo kale, Cukuse waxa la weydiiyey aragtidiisa ku aadan waxyaalihii u dhexeeyey Madaxweyne Muuse Bixii iyo hoggaamintiisaba waxaanu yidhi, “Aniga iyo Madaxweynaha laba qof oo naga saaxiibsan u malleyn maayo inay jiraan, waxaanu nahay dad saaxiib ah oo Jabhad iyo Dawlad soo wada ahaan jiray oo Xisbiga soo wada dhistay oo Kulmiye soo wada ahaan jiray, markaa saacadihii u danbeeyey aniga oo dhisaya ayaan dhoofeyba”. Ayuu yidhi Cukuse