Boqolaal Kartoon Oo Alaab Dhacday Ah Oo Taariikhda Laga Beddelayey Oo Lagu Qabtay Wajaale

0
824

Boqolaal Kartoon oo alaab dhacday ah iyo noocyo kala duwan ee maandooriyaha ah oo lagu qabtay magaalo xudduudeeda Wajaale ayaa Maxkamadda Gobol/Degmo ee Wajaale ay fagaare ku gubtay, iyadoo hore xukuno ugu riday dadkii lagu soo qabtay ee doonayey inay dalka soo galiyaan.

Ugu horreyna, Taliyaha Qaybta Booliska ee Degmada Wajaale ayaa faahfaahin ka bixiyey xaddiga iyo noocyada Alaabta dhacday iyo Maandooriyayaasha la gubay, waxaanu yidhi  Taliye Maxamed-Case, “Waxa la gubay Alaab dhacday iyo Maandooriyeyaal kala ah Xashiishad ka kooban 19kiilo, iyo Isbiirto 177 littir, iyo Khamri dhan 72litir, iyo waliba alaab dhacday oo ah 612 kartoon”.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobol/Degmo ee Gabiley Garsoore Maxamed Cumar Dhimbiil ayaa isaguna ka warramay muddada Alaabtan iyo Maandooriyayaashan lagu soo qabtay, “Saddexdii bilood ee aan joogay Maxkamadda, waxyaalihii soo galay oo ay u badan yihiin Maandooriyeyaal, marka laga reebo alaabtaa dhacday ee halkan taala, taasoo waqtigeedu dhacay oo laga beddelayey taariikhda, cidda kale ee ku shaqada leh ee dawladda hoose ah iyo Fayo dhawrka ee alaabaha dhacay waa inay ururiyaan alaabaha dhacay markay taariikhdoodu gaadho”. Ayuu yidhi Guddoomiye Dhimbiil

Sidoo kalena, Xeer ilaaliyaha Degmada Wajaale Yaxye Aw Aadan, ayaa isaguna sheegay in dadkii maandooriyayaashaasi iyo alaabtaasi dhacday ba lagu qabtay in Maxkamaddu xukuntay, sidaasi awgeedna waxa uu bulshada u soo jeediyey inay gacan siiyaan Ciidanka Booliska.

Dhinaca kalena, Maayir ku xigeenka Degmada Wajaale Mudane Mursal Nuux Cismaan, ayaa isaguna sheegay halista Caafimaad iyo Nabadgelyo darro ee ka dhalan karta,  “Alaabtan dhacday shaqsiyaad ayaa lagu soo qabtay doonayey inay taariikhda ka beddelaan alaabtaasi dhacday, kuwaasi oo doonayey inay halis galiyaan caafimaadka dadka reer Somaliland, waxa kale oo la doonayaa in nabadgelyada lagu khalkhal galiyo oo loo waarido Gobollada kale”.

Maayir ku xigeenka Degmada Wajaale Mudane Mursal Nuux Cismaan, waxa uu digniin u diray cid kasta oo isku dayda inay dalka soo galiso waxyaalaha mamnuuca ah.

Ugu dambayntiina, Maandooriyayaashaa iyo Alaabtaasi dhacday ayaa si toos ah goob fagaare ah loogu gubay, sidaasi awgeed