Gudida Doorashooyinka Iyo Laba Xisbi Oo Saaka Kulan Yeeshay

0
842

Gudida Doorashooyinka qaranka somaliland ayaa Maanta Xafiiskooda Kulan Albaabadu U Xidhnayeen Kula qaatay xisbiyadda kulmiye iyo ucid kuwaas oo ay kala hadleen sidii loo dardar galin lahaa sidii doorashadu u qabsoomi lahayd.

Kulankan ayaa lagu soo hadal qaaday Go’aankii ay shalay wadda gadheen xisbiyadda ucid iyo kulmiye sida ay labadaasi xisbi oo kaliya doorasho ku gali karaan madaama oo xisbigii waddani isagu taagan yahay go’aan adag oo ah in la kala diro gudida doorashooyinka ee wakhtigan.

Xisbiyadda ucid iyo kulmiye ayaa loo balamay in kulan dambe ay iskugu yimadaan gudida doorashooyinka waxaana uu kulankani ku soo dhamaaday mid aan rajo fiican laga qaban sida ay doorasho dalka uga qabsoomi karto madaama oo lioo baahan yahay saddexda xisbi doorashadda wada galaan.

Xisbiga Mucaaradka ah ee waddani oo ah xisbi balaadhan oo Tageerayaal Badana Leh ayaa isagu maanta cadeeyay inaanay jirin laba xisbi oo kaligood doorasho qabsan karaa waxaana uu mid lagu xumaado ku tilmaamay dhawaaqa xisbiyadda ucid iyo kulmiye ka soo yeedhay.

Hadaba shacabka somaliland oo iyagu ka daalay khilaafyadda u dhaxeeya xisbiyadda ayaa sugaya sida uu xaalku noqdo waxaana laga dhul sugayaa sida uu xaalku noqdo.