Wafdi Ka Socda Dowladda Sacuudi Carabiya Oo Maanta Gaadhay Magaalada Muqdisho

0
746
Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2018-03-03 10:37:50Z | http://piczard.com | http://codecarvings.comˀ ”«C‚Œ

Wafdi ka socda dowladda Sacuudi Carabiya ayaa maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyagoo xilligan kulamo la leh Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiir dowlaha Sacuudiga u qaabilsan Arrimaha Afrika Ahmed Abdul Aziz Kattan.

Wararka ayaa sheegaya in booqashada Wasiiru dowlaha ku yimid Muqdisho ay qeyb ka tahay safaro uu ku marayo dalalka Gobolka Geeska Afrika.

Ilo ku dhow dhow Garoonka diyaaradaha ayaa sheegaya in wafdiga ka socda dowladda Sacuudiga iyo Madaxweynaha Soomaaliya uu shir uga socdo Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Bisha Ramadaan ayaa la filayaa in Sacuudiga uu qabto shirweyne u dhaxeeya Afrika iyo Sacuudiga, kaasoo looga hadlayo iskaashiga iyo wax wada qabsiga.