Turkiga: Neef Wan Ah Oo Lagu Iibsaday Qiime Dhan 3.6 Kun Oo Dollar!

0
50

Magaalada Balikeser ee galbeedka Dalkaasi Turkiga ayaa waxa lagu soo bandhigay Neef Wan ah oo si gaar ah loo xanaanayn jiray.

Neefkan ayaa waxa loo soo bandhigay iib waxa aanu noqday qiimihii ugu sareeyay ee Wankaasi lagu iibsaday Lacag dhan 21kun oo ah lacagta Liirada Dalkaasi Turkiga ah oo u dhiganta 3.6 kun oo Dollar.

Ninka iibsaday neefkaasi Wanka ah isla markaana ka bixiyey qiimahaasi lacageed ayaa waxa la sheegay inuu yahay nin Adhiga dhaqda isla markaana ah mulkiilaha shirkad xanaanaysa xoolaha, iibka noocan oo kale ah ayaa sanad walba lagu qabtaa dalkaasi Turkiga.

Comments

comments