Madaxweyne Hore Oo Gacantiisa Isku Dilay & Sababta Ku Keliftay

0
868

Madaxweynaha Dalka Peru Martín Vizcarra ayaa ku dhawaaqay in Madaxweynihii ka horreeyey uu gacantiisa isku dilay oo uu istoogtay markii boolisku tageen gurigiisa, si ay ugu soo xidhaan eedeymo musuqmaasuq ah oo loo jeediyey.

Mr Alan Carcia ayaa markii hore loola carraray Cusbitaalka magaalada caasimadda ah ee Lima.

Dadweyne taageerayaashiisa ah ayaa isugu tagay afaafka hore ee cisbitaalka la geeyay waxaana is hor taagay booliska oo is abaabulay.

Mr García ayaa lagu eedeeyay inuu lacago laaluush ah ka qaatay shirkad dhismaha ka shaqeysa oo laga leeyahay dalka Brazil, inkastoo uu hore u beeniyay sheegashadaasi.

Saraakiil ka tirsan booliska ayaa loogu diray inay soo xidhaan, si loogu sameeyo baadhitaanno la xidhiidha eedeymahaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha Carlos Morán ayaa warbaahinta u sheegay in markii ay booliska tageen gurigiisa, uu Mr García ka codsaday inuu telefoon dirsado, ka dibna uu galay qol, albaabkana uu soo xidhay.

Booliska ayaa xoog ku furay albaabka waxayna arkeen Mr García oo ku fadhiya kursi, madaxana ay uga taallo xabad.

Alan García ayaa hore labo jeer madaxweyne uga soo noqday dalka Peru.

Markii hore waxa uu xilka hayey intii u dhaxeysay sanadihii 1985-kii ilaa 1990-kii, isagoo mar kale dalkaas xukumayay intii u dhaxeysay 2006-dii ilaa 2011-kii.