Shirkadda DP World Oo Shaacisay Caqabadaha Ka Heysta Ballaadhinta Dekedda Berbera Oo Hakad Galay

0
642

Maamulka Shirkadda DP World ee gacanta ku haya dekadda Magaalada Berbera ayaa ka hadlay caqabado kusoo kordhay oo ka hor taagan balaadhinta dekadda Berbera.

Madaxweynaha Somaliland ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Berbera, isaga oo ka qeyb galayay musaanabado ka dhacay gudaha dekadda Berbera oo isbadal lagu sameeyay.

Maamulka Shirkadda DP World ayaa shaaciyay inay hadda hakiyeen dhismaha iyo ballaadhinta dekadda magaalada Berbera.

Arinta Hakinta ayaa ka dambeysay markii maamulka Shirkadda ay sheegeen in dhismaha ay sameynayeen uu gaadhay kaydka Shidaalka dhuumaha Maraakiibta ka soo qaada ee Badda ku rakiban.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan magaalada Berbera ayaa la filayaa inuu go’aan ka gaadho shaqo joojinta shirkadda DP World, maadaama horey loogu heshiiyay in dekadda Berbera ballaadhin weyn lagu sameeyo.

Laakiin maamulka DP world ayaa cadeeyay in loo baahan yahay in xal laga gaadho Keydka dhuumaha shidaalka oo hadda ay ku dhawaadeen intii ay wadeen balaadhinta dekada magaalada Berbera.

Waxaa la filayaa in madaxweynuhu uu sahmin doono dhul kale oo dhuumaha Shidaalka loo raro maadaama uu maamulka Shirkaddu soo jeediyay in ay dhuumuhu aad ugu dhowyihiin halka la doonayay in lagu balaadhiyo Dekadda.

Tan iyo markii ay Shirkadda DP-World la wareegtay maamulka Dekedda Berbera ayaa waxaa taagnaa caqabada dhismaha Dekeddaasi kasoo wajahaya dhuumaha Shidaalka qaada, Muuse Biixi ayaana arintaasi kulamo kala yeeshay wax garadka iyo Ganacsatada wax kala soo degta Dekedda Magaalada Berbera