Deg Deg: Al-Bashiir Oo Is Casilay, Madaxweyne Kumeel Gaadh Ah Oo Loo Magacaabay Suudaan + Madaxdii Ugu Sarraysay Dalkaasi Oo La Xidhay

0
749

Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayay xilka ka degay, islamarkaana Ciidanka Milatariga Suudaan ay la wareegeen Awoodda dalka ayna doonayaan inay dejiyaan dadka Shacabka.

Shirkii deg-degaa ee ay yeesheen ayaa lagu shaaciyay in General Ahmen Awad Ibn Auf si rasmi ah uu ula wareegay Hoggaaminta tallada Laamaha Ammaanka dalka Suudaan, islamarkaana uu sii noqon doono Hoggaamiyaha dalka.

Madaxweyne Al-Bashiir wali ma hadlin, waxaa la aamisan yahay in uu yahay xabsi guri, islamarkaana la xidhay raggii agdhawaa ee ahaa saraakiisha Ciidanka.

Waxaa kale oo la xidhay Raysal Wasaaraha dalkaas Bakri Axmed Saalax iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore Cali Cismaan Dhaha iyo xubno kale.

Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Al-Bashiir ayaa lagu qasbay in uu is casilo sida ay goor dhow qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Hoggaanada kala duwan ee Millatariga, Booliska, Nabadsugidda iyo Wasiirka Gaashandhigga ayaa Bashiir u sheegay inuu is casilo isla markaasna uu fuliyo rabitaanka Shacabka, waxayna qaadatay saacado kooban inuu Al-Bashiir uga jawaabo isla markaasna uu xilka ka dago kadib 30 sanno oo uu awood ku heystay dalka Suudaan.

Reuters ayaa sheegtay in warka ah inuu is casilay Al-Bashiir uu u xaqiijiyey Wasiirka Wax soo saarka iyo Dhaqaalaha ee Waqooyiga Daafuur ee lagu magacaabo Adel Mahjoub Hussein.

Adel Mahjoub ayaa sheegay inuu hadda socdo wada hadal ku aadan qofkii sida kumeel gaarka ah loogu dhiibi lahaa xilka Madaxweynimo ee Suudaan, wuxuuna kulanka u socdaa AL-Bashiir iyo Hoggaanada Ciidamada kala duwan.

Sidoo kale warka ah inuu is casilay AL-Bashiir waxaa qoray Al-Jazeera qeybta Ingriiska, Kenya 24 News, Sky News Australia, CGTN Africa oo ah Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Africa u qaabilsan iyo New York Times