“Xeerarka Maxkamaduhu Wax Ku Kala Xukumaan, Diinta Ma Waafaqsana….” Golaha Guurtida Oo Ka Dooday Qodobbo Ay Ka Mid Yihiin Xeerarka Ay Ku Shaqeeyaan Maxkamaduhu

0
739

“Ganacsatadeena Kuma Jiro Mid Indhihiisu Ay Xagga Beeraha Eegaan Oo Wax Soo-Saar Sameeya, Inay Dibedda Wax Ka Soo Dejiyaan Mooyaane”

Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa fadhigoodii shalay dood ka yeeshay Qodobbo ay ka mid yihiin Xeerarka ay ku shaqeeyaan Maxkamadaha dalku iyo Dhaqaalaha Dalka.

Xildhibaannada Doodda ka qayb-galay ayaa qaarkood sheegeen in Xeerarka Maxkamaduhu ku shaqeeyaan aanay boqolkiiba inta badan waafaqsanayn Kitaabka Qur’aanka Karriimka ah iyo Sunnaha Nebiyullaahi Muxamed (CSW), sidaasi darteedna loo baahan yahay in wax laga beddelo oo Xeerarkaa loo waafajiyo Diinta Islaamka.

“Wax badana way inoo qabsoomeen, wax badana way dhiman yihiin, waxa ka mid ah Xeerarka ay Maxkamaduhu ku shaqeeyaan ee ay wax ku kala xukumaan inaanu ahayn kii shareecada laga dheegay ee Islaamka. Guurti ahaan innaga ayaa awood u leh markaa waxaan soo jeedinayaa inaynu soo saarno Xeer beddela Xeerkaa Maxkamaduhu wax ku kala xukumaan..”Ayuu yidhi, mid ka mid ah Xildhibaannada Golaha Guurtida ee dooddii shalay ka qayb-galay.

Xildhibaan kale oo Doodda ka qayb-galay ayaa sheegay in Sarifka Lacagta qalaad ee dollarku hoos u socdo isla-markaana uu meel wanaagsan marayo, sidaa darteed Ganacsatada looga baahan yahay inay Dadkooda u naxariistaan, kana daayaan marka dollarku jabo inay kor u qaadaan qiimaha Shilinka, waxaanu yidhi “Ganacsatada waxaan leeyahay, waar Dadkeena danyarta u naxariista oo lacagtan Shilinka ah ee marka dollarku jabo aad idinkuna kor u qaadaysaan ka daaya.”

Xildhibaanku waxa uu soo jeediyey “Ganacsatadeena kuma jiro mid indhihiisu ay xagga beeraha eegaan oo wax soo-saar sameeya, inay dibedda wax ka soo dejiyaan mooyaane, markaa waxaan u soo jeedinayaa Ganacsatada inay dhulka qodaan oo ay bariiskan ay dibedda ka keenayaan yareyaan..”ayuu yidhi