50 Qof Oo Muslimiin Ah Oo Lagu Dilay Iska Hor-imaad Ka Dhacay Nigeria

0
1041

Maamulayaasha Deegaanka ayaa sheegay in dadkaasi lagu dilay weerar ka dhacay dhulka kaymaha ee Gobalka Zamfara ee Waqooyi galbeed ee dalkaasi.

Dadka la dilay ayaa la sheegay inay isugu jireen dad rayid oo taageero siiya Hay’addaha Ammaanka iyo Askarta dagaalka kula jira Kooxaha hubeysan ee ku sugan Gobalkaasi.

Kooxaha hubeysan ayaa la sheegay inay ka awood roonaadeen Ciiddanka iyo Dadka Deegaanka, taasi oo keentay geerida in ka badan 50 qof.

Gobalka Zamafara oo xuduud la leh Gobalka Kaduna waxaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ka dhacay weeraro ay kooxo hubeysan ka soo qaadaan dhulka kaymaha.