Muqdisho oo Xaalad Degdeg Ah Lagu Soo Rogay Iyo Sababta Keentay

0
852

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalkaasi Soomaaliya ayaa lagu soo rogay xaalad degdeg ah kadib markii muddooyinkii u danbeeyey ay ka dhacayeen qaraxyo laxaad leh oo sababay dhimashada, dhaawaca iyo burburka hantiyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xaalad deg deg ah oo lagu xaqiijinayo Amniga lagu soo rogay magaalada Muqdisho.

Yariisoow ayaa sheegay in maalmaha soo socda jiri doonaan howlgalo ballaadhan oo ay ciidammada dowladda ka sameyn doonaan dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay magaalada, sidaa daraadeed looga baahan yahay Shacabka Muqdisho inay dulqaad u yeeshaan muddada ay socdaan howlgalada lagu xaqiijinayo nabadgelyada, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxaan diyaarinay Basas iyo gaadiidka gurmadka degdega ah oo u adeegi doona shacabka inta ay socdaan howlgalada, masuuliyada ugu weyn ee na saaran waa in aan mar walba ka fikirno nabadgelyada dadka Shacabka ah”. Waxaanu intaasi uu ku daray Guddoomiyaha gobolka Banaadir, “Amarkan waxa uu ka soo baxay shirar Amniga la xidhiidha oo maalmihii ugu danbeeyayba ay la lahaayeen madaxda Qaranka”.