Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Sheegay In Marar Dastuurka La Garab Maro Oo Indhaha laga Laliyo

0
774

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka hadlay ahmiyadda uu Dastuurku u leeyahay Dalka.

Cabdiraxmaan Saylici oo shalay khudbad ka jeediyey barnaamij Dadweynaha lagu wacyi-gelinayo barashada Dastuurka oo Wasaaradda Dastuurka iyo xidhiidhka Goleyaashu ku daah-furtay Hargeysa, ayaa sheegay inaan indhaha laga lalin Dastuurka oo sidiisa loogu dhaqmo.

Mudane Saylici oo arrimahaasi ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Dastuurku waa Hantida keliya ee Qaranka Somaliland haysto Maanta, waa Hantida koowaad ee ugu mudan ee Qaranka Somaliland haysto, waa waxaynu nabad ku nahay ee aynu ku degganahay, loona baahan yahay inaynu dhammaanteen ilaalino”.

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu sheegay in Dastuurka Somaliland oo loo codeeyay sannadkii 2001-dii uu yahay ka Somaliland u horseeday ku dhaqanka nidaamka dimuqraadiga ah “Dastuurku waa ka ina dhaafiyey Ummadaha aynu jaarka nahay, Waayo? Dimuqraadiyadda iyo Nabadgelyada Somaliland waxa Sal u ah Dastuurka, markaa Dastuurka sidiisa ha loogu dhaqmo”, ayuu yidhi, waxaanu intaasi uu ku daray “Waxaad mooddaa in badan aynu garab marmarno oo aynu indhaha la lalino ee Dastuurka aynu sidiisa ugu dhaqano..”