Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa ku dhawaaqay inay dhammaatay muddo xileedkii Golayaasha Deegaanka Dalka, sidaasi awgeedna ay golayaasha 23ka degmo doorasho ee dalka ay ku fadhiyaan sharci darro, isla markaana ay xaaraan tahay wax kasta oo ka soo baxa.
Xoghayaha arrimaha Gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Md Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi, “Golayaasha Deegaan ee 23ka degmo doorasho ee dalka waxa sharci darro ah saaka (Shalay) inay xafiisyada fadhiyaan, sida uu sheegayo sharciga dalka u yaala ee Xeer nambar 23 iyo 29 iyo 30 iyo waliba 101 oo dastuurka ah, kuwaasoo sheegaya inay qayrul sharci yihiin”.
Ramaax waxa kale oo uu arrintaasi ku eedeeyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, “Madaxweynaha oo ku soo ololeeyey inuu sharciga ayaa sareynaya waxay ku tusinaysaa in aanay shantii Madaxweyne ee hore ee Somaliland in aanay dhicin, markaa kuraasidaa golayaasha deegaanka ee 23ka degmo doorasho maanta laga bilaabo ma jirto wax sharci ah oo ay ku fadhiyaan, iyo waliba kuwa uu Wasiirku magacaabo ee degmooyinka D-da ahba”. Ramaax waxa uu intaasi uu ku daray, “Runtii, Xeerku wuxuu ina farayaa marka ay tan oo kale oo timaado in Xoghayaha Dawladda Hoose oo ka wakiil ah uu la wareego xilka isagoo kaashanaya Maamulka Gobolka iyo isu-duweyaasha Wasaaradaha inay xilka si toos ah ula wareegaan”.
Ugu dambayntiina, Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid waxa uu farriin siyaasadeed uu u diray Madaxweynaha JSL, “Madaxweyne, may dhicin shantii Madaxweyne ee hore ee dalka, waxaana qayrul sharci ah warqad kasta oo ay maanta saxeexaan Guddoomiye Degmo iyo Guddoomiye ku Xigeen Degmo iyo Xoghaye wax kasta oo saaka dawladda hoose ka soo baxaa waa xaaraan ayaanu leenahay”. Ayuu yidhi Xoghayaha Arrimaha Gudaha Xisbiga Ucid