“Waxaan U Diyaar Nahay In Aanu Si Waafi Ah Uga Garrowno Tabbashooyinka Walaalaheena Reer Somaliland…”-Madaxweyne Farmaajo

0
809

Madaxweynaha Dalkaasi Soomaaliya ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aadan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo ku dhawaaqay erayo uu ku beer laxawsanayo dadka Reer Somaliland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa arrintaasi waxa uu ku soo qaaday khudbad uu shalay ka jeediyey furitaanka kalfadhiga shannaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Farmaajo oo ka hadlaya qorshihiisa ku wajahan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa waxa uu yidhi,  “Waxa naga go’an in aanu ka midho dhalino wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya si xal waara loogu helo tabashooyinka ay tabanayaan walaalaheena Somaliland”. Waxaanu intaasi uu ku daray, “Walaalaheena Somaliland waa dad walaalaheen ah oo aynu jecelnahay oo aynaan kala maarmin, waxaananu dedaal dheeri ah ku bixinaynaa midnimada iyo wada jirka ummadda Soomaaliyeed, si aynu uga baxno dhibaatada ummadda Soomaaliyeed ku jirto”.

Madaxweynaha dalkaasi Soomaaliya mar kale waxa uu khudbadiisan kaga hadlay tabbashada dadka Reer Somaliland, “Waxaan u diyaar nahay in aanu si waafi ah uga garrowno tabbashooyinka walaalaheena Reer Somaliland”.

Dhinaca kalena, Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay in Dowladdiisu had iyo jeer u taagan tahay difaacidda midnimada, madaxbannaanida iyo ilaalinta xuduudaha dhulka, badda iyo cirka Soomaaliya isagoo xusay in xidhiidhka Dowladda Soomaaliya la leedahay waddamada derisku uu ku dhisan yahay is-ixtiraam, wax wadaqabsi iyo iskaashi.

Farmaajo waxaanu sheegay in dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah uu yahay mid u baahan in lagu wajaho midnimo isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, samirkana badiyaan, isla markaana meel looga soo wada jeesto Al Shabaab oo aanay marnaba qalbi-jebin.

Ugu dambayntii, Hadalkan Farmaajo ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan la filayo in dib loo soo celiyo wada hadladii Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaasoo Beesha Caalamku ay dhexdhexaadinayso, isla markaana la doonayo inay midho dhalaan, waxaana xusid mudan in aanay Somaliland jawaab ka bixin hadalkaasi ka soo yeedhay Madaxweynaha dalkaasi Soomaaliya.