Shaqaalaha Dowladda Oo La Farray Inay Isticmaalka Kaadhka Aqoonsiga Shaqaalenimo

0
1026

Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo saartay qoraal loogu sheegayo qaybaha kala duwan ee shaqaalaha dowladdu inay isticmaalaan kaadhka aqoonsiga ah shaqaalaha, isla markaana ay haystaan saacadaha ay ku jiraan shaqada dowladda.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Md. Sharmarke Axmed Muxumed (Geelle) oo qoraalkan soo saaray, ayaa ku baaqay in laga bilaabo maalinta Sabtida ee ay taariikhdu tahay 30 March 2019, qof kasta oo shaqaale dowladeed ah laga doonayo inuu haysto kaadhkiisa aqoonsiga.

Qoraalka uu soo saaray Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo lagu socodsiiyey dhammaanba Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda, lana ogaysiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu isagoo faahfaahsan u qornaa sidan;

“Wargelin; Isticmaalka Kaadhka Aqoonsiga Shaqaalaha Dowladda Saacadaha Shaqada.

Adeegayaal, sida aad la socotaan dhawaan Hay’adda Shaqaalaha Dowladdu waxa ay qaybisay kaadhka Aqoonsiga Shaqaalaha Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo leh tix-raac iyo summad gaar ah.

Tallaabadan ayey muhiimadeeda ka mid ahayd in Shaqaalaha  Dowladdu yeeshaan   baadi-sooc ay kaga duwan yihiin shacabka adeegga u soo doonta xarumaha Dowladda sida oo kalena qayb weyn ka qaadanaysa in shacabku u aqoonsado Shaqaale Dowladeed oo mudan in loo hoggaansamo.

Sidaa darteed, laga bilaabo maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 30/03/2019, waxa dhammaan waajib ku ah Shaqaale walba oo Dowladeed in uu isticmaalo aqoonsigiisa Shaqaalenimo inta uu ku gudo jiro saacadaha shaqada.

Ugu dambayn, masuuliyiinta maamulka cududda Shaqaalaha iyo guud ahaanba madaxda xafiisyada Dowladda waxa aan u soo gudbinayaa in ay daba-gal iyo kor-joogtayn ku sameeyaan fulinta wareegtadan, halka waaxda kormeerka ee Hay’adda Shaqaalaha Dowladdu-na kormeer iyo hubin joogto ah ku samayn doonto.

Fiiro gaar ah: Shaqaalaha aannu weli soo gaadhin kaadhkiisii Shaqaalenimo degdeg ha ula xidhiidho xafiiska cududda Shaqaalaha (Human Resource) ee Wasaaradda/Hay’adda Dowladeed ee uu ka hawl-galo sii loogu diyaariyo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland Md. Sharmarke Axmed Muxumed (Geelle).