Roobabkii Gu’ga Oo Meelo Ka Mid Gobollada Dalka Ka Curtay

0
785

Deegaano ka mid Gobollada bari ee Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inay ka curteen oo ay ka da’een roobabkii xilliga Gu’ga, iyadoo xilligana deegaano badan ay ka jirto Abaar iyo Biyo la’aan soo waajahday dadkii iyo xoolihii ku dhaqnaa isla deegaano ka mid ah gobolladaasi.

Deegaamada ay roobabku ka curteen waxa ka mid ah deegaamo ku yaalla Gobolka Sool oo ka mid ah gobollada Biyo la’aanta ugu darrani ka jirtay muddooyinkii ugu dambeeyey waxaanay roobabkaasi ahaayeen kuwo lagu qabawsaday oo biyo dhig fiican kaga tegay dhulkii uu ku hooray.

Sidoo kale, waxa Toddobaadkii hore roobab koobani uga da’een deegaamo ka tirsan Gobolka Gabiley ee Somaliland.

Haddaba, Roobabkan oo bilow ah ayaa si weyn dadku u sugayeen oo ay ILAAHAY uga baryayeen inuu raxmaadkiisa u soo shubo maadaama oo haatan meelo badan oo dalka ka mid ah ay haleeshay Abaar baad iyo biyo la’aan ah oo saamaysay dadkii iyo duunyadii ba. Waxaanay roobabkani ku soo beegmayaan iyadoo bilihii ugu dambeeyay ay abaaro ka jireen qeybo ka mid ah gobollada dalka Somaliland, haatana laga bilaabay biyo dhaan loogu gurmanayo dadka.