Mashruucii Dhismaha Dekedda Berbera Oo Faashil Qarka U Saaran Iyo Shirkadda DP World Oo Lagu Eedeeyey In Aanay Danba Ka Lahayn Dhismaha Dekedda

0
913

Iyada oo maalinba maalinta ka dambaysa ay isa soo tarayaan walaaca shacabka iyo masuuliyiintuba ka qabaan fashilka ka muuqda heshiiskii Dekedda Berbera lagu wareejiyey haba yaraatee wax illaa hadda laga qabtayna aanay jirin ayaa waxa arrintan walaacii ugu waynaa ka muujiyey Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada oo Berbera laga soo doortay kaasi oo sheegay in agabka dekedda la keenay yahay mid duug ah oo lufad ah oo aan haba yaraatee waxba dhisi karin halka uu sheegay in dhismihii Dekedda Berbera u muuqdo mid faashil ah oo aan waxba ka soconayn.

Xildhibaan Siciid Cartan oo warbaahinta arrintan uga warramayay waxa uu yidhi: “Shirkaddaasi DP World la yidhaahdaa haba yaraatee wax Alla iyo wixii aynu la galnay dee waxa ugu muhiimsanaa samaynta Dekedda in ay Dekedda sameeyaan oo ay 800 oo Mitir ku daraan. 400 oo mar ah iyo 400 oo dambe. Labadaasi qaybood ayay ahayd. Waana shayga muhiimadda koowaad innoo lahaa ee aynu danaynaynay in Dekeddeena la ballaadhiyo si ay ula tartanto Dekedaha jaarkeena ah sida Jabuuti oo kale ay ula tartanto oo awooddeedu kor u kaco ayay muhiimaddeena koowaad ahayd oo aynu hantidii kali ahayd ee aynu lahayn ugu wareejinay. Haseyeeshee shirkaddaa DP World la yidhaahdaa wax Alla iyo wax ay ka qabatay Dekedda illaa iyo hadda ma jirto. Haba yaraatee wax alla wax ay ka qabatay ma jirto. Waxa ay ahayd in ay sannad wax ku bilawdo waxaana imika soconaya sannadkii saddexaad. Muddo badan ayaa loo samray oo ay kolba wax sheegayeen oo ay kolba meel isa soo taagaysaa. Ugu dambayn waxa ay yidhaahdeen qandaraas baanu bixinay oo shirkaddii dhisaysay ee imika bilaabaysay waa shirkaddaasi. Imika maalintii xafladda madaxtooyada iyo dekedda loogu qabanayay shirkaddaasi waxa durba ka soo wareegtay illaa 4 Bilood. Biliba bil ayay amaahataa. Bilba bil baa la yidhaa bishan ayay wax bilaabmayaan. Annana waxaanu nahay xildhibaanadii Gobolka laga soo doortayoo kama daalno oo waanu daba soconaynaa illaa iyo inta Dekeddaa la bilaabayo ama dee heshiiskii burayo, waa waajibaadkayaga shaqo oo cid aanu u daba fadhiisanaynaa ama uga habranaynaa ma jirto”.

“Imika halka ay marayso haddii aan idiinka warramo waxa weeyi waxa la yidhi maalin dhawayd qalab baa la keenay. Umadda waxaanu u sheegaynaa in dadkani caqli bay leeyihiine waxa la keenay illaa saddex cagaf oo waaweyn iyo shaambooyo iyo booyado illaa 30 meelahaa ah oo lufad ah oo aan wax macno leh ahayn. Wax wax qaban kara aan ahayn. Waa Mustacmal la soo isticmaalay mana aha wax deked dhisi kara. Taasaa umadda loogu sheegayaa in qalabkii wax lagu bilaabayay la keenay. Maba aha qalab wax qaban kara. Dakaddii waxa ay maraysaa meel aan waxba laga qaban. Haddii Bishan ama ta dambe waxba laga qaban waayo waxa ay noqonaysaa in heshiiskaasi dib loogu noqdo. Macquul ma aha in aynu u dabranaano. Wixii innaga dhinaceena ahayd waynu ka soo wada baxnay sida saldhiggii la siiyay oo durba gabogabo maraya. Wixii mashaariic la socday ha sheeginba. Ma jirto sida jidkii Berbera kooridhoor. Qalabkaa meesha la keenay waa duug oo ma aha wax macno leh”. Ayuu yidhi Xildhibaan Cartan.