UCID Oo Mashaariicdii Uu Madaxweynuhu Kasoo Dhagax Dhigay Gobolada Bariga Ku Tilmaamay Kuwo Bilaa Qorshe Ah Oo La Doonayay In Dadka Soo Dhaweyn Lagaga Helo

0
1018
Faysal Cali Waraabe Oo Ka Waramay Shir Maalgashi Oo Uu Jarmalka Kaga Qayb Galay
Faysal Cali Waraabe Oo Ka Waramay Shir Maalgashi Oo Uu Jarmalka Kaga Qayb Galay

Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa si weyn u naqdiyay Mashaariicdii horumarineed ee uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ku soo Dhagax dhigay safarkii uu ku soo maray Gobolada Bariga Somaliland, iyagoo ku tilmaamay inaanay arintaasi waafaqsanayn Sharciyadda iyo Qorshe Miisaaniyadeeda Xukuumadda u diyaarsan, iyagoo sheegay in dhaqankani ay lahayd Xukuumaddii hore ee Kulmiye oo ay sidan oo kale hanaan bilaa qorshe ah masuuliyiintii Xukuumaddaasi u samayn jireen Dhagax dhiga, taasi oo ay sheegeen in Ceebteedii bulshadu aragtay.

Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, kana hadlay arimahaasi ayaa waxa uu yidhi “Waxaan halkan ka hambalyaynayaa Socdaalkii uu ku tagay Madaxweynuhu Gobolada Bariga, waad ogaydeen oo Madaxweynuhu intuu shir qabtay ayuu yidhi Dadku wuu qaybsan yahay, runtii Umadda Qaybsani majirto, waxbaynu isku sheegaynaa, Madaxweyne kalamaad kulmin Goboladdii aad tagtay oo dhan Qaybsanaan Dad, dadku dawlad ayay u baahan yihiin,Mucaarid iyo Muxaafidba meeshan yar waynu wada ilaashanaynaa, Umaddii aad lasoo kulantay Qaybsanaan kumaad arag, Waana mid Illaahay loogu mahadnaqo, waana mid lagu yaqaanay dadka reer Somaliland”

Waxa kale oo uu yidhi“Aad iyo aad ayaan Shacabka ugu hambalyaynayaa soo dhawaynta ay u fidiyeen Madaxweynahooga markii uu ugu yimid Goboladoodii iyo la xisaabtanka ay ku sameeyeen aad iyo aad ayaanu runtii ugu mahadnaqaynaa, waxa kale oo aanu soo dhawaynaynaa Mashaariicda uu Goboladda ku balan qaaday inuu Madaxweynuhu ka fulinayo inkasta oo aanay ahayn mid sharciyadda Waafaqsan. Maaha Mid sharciyadda waafaqsan, Qorshe ayuu dalkani leeyahay, Gobol Walba Qorshe Shan sannood ah ayaa u qoran, waa maxay sababta Qorshihii hore loogu dari waayay ama Miisaaniyadda loogu dari waayay, Burco ayaa laba Biriish laga samaynayaa, ma diidayo Xisbigani in Burco laga sameeyo Laba Biriish iyo saddex Biriish, laakiin marka horeba inay Miisaaniyadda ku cadaato oo ay ahaato wax miisaaniyadda ku jirto oo ay nidaamkii Xalaasha ahaa ee Birdka lagu qaadanayay ay ahaato ayaanu runtii jecelnahay,taa laftigeeda waxaanu leenahay Madaxweyne inaad ku soo daabaasho ayaanu kusoo jeedinaynaa”.

Ugu dambayn waxa aan leeyahay“Waxaan waayo arag ku ahay markaan sidaa leeyahay,waxa dalka laga hirgaliyay wakhtigii Xukuumaddii hore ee KULMIYE 562- Ceel, Maanta waxaa ka shaqeeya waxaan ka badnayn 74- Ceel, Waxay ku timid Mashruuc ama Wasiirka Maaliyaddu meel marayo uu yidhaahdo halkan ayaa Ceel ka qodayaa, ama uu yidhaahdo Wasiirka Waxbarashadu Iskuulbaan Maanta halkan ka dhisayaa, oo aan qorshihii saxda ahayd iyo Sharciyaddii dalka aan waafaqsanayn,sidaa daraadeed waxaan ka digaynaa Mashaariicdaa Madaxweynuhu bixiyay inay noqdaan qaar sharciyaddii waafaqsan oo Birdhkooda lagu qabto Goboladda uu madaxweynuhu ugu balan qaaday si Goboladda dadka joogaa ay runtii uga faa’iidaan, aan imika Hargeysa la isku soo daba yaacin,oo aan lagu bixinin qaabab xaaraan ah”.