“Barlamaanku Dhaxal Kumay Helin Inay Ku Sii Fadhiyaan Kuraasta”

0
707

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, ayaa ka hadlay Doorashooyinka Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka oo u muuqdo kuwa dib u dhac ku imanayo, waxaanu sheegay inay dalka dhibaato ku tahay dib u dhaca Doorashooyinkan, waxaanu xusay in Golayaasha Deegaanku xilkii loo igmaday ee ay umadda u hayeen inay ka gaabiyeen, halka uu tilmaamay in Barlamaankuna uu ka cago jiidayo xeerkii Doorashada ee lagu soo dooran lahaa inay sameeyaan.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay socdaalka Madaxeynaha iyo wada hadalada Somaliya ee uu joojiyey, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Khasaare weyn ayaa ku jita Doorashooyinka Barlamaanka iyo Deegaanka ee dib u dhacaya, maxaa yeelay Golayaashii Deegaanka shaqooyinkii ay qaban lahaayeen wey lumiyeen, oo xilkii loo igmaday ee ay umadda u hayeen kamay soo bixin, Barlamaanka qudhoodii ayaa iyana cagaha jiidaya, oo waxay ahayd inay is dhaafiyaan hawsha kaga xidhan Doorashadoodada, balse  ma rabaan inay is dhaafiyaan, imikana waxaa haboon in laga wada hawl galo sida ugu haboon ee Doorashooyinkan loo diyaari lahaa, si aanay mar kale dib u dhac ugu iman, maxa yeelay Barlamaankuna dhaxal kumay helin inay ku sii fadhiyaan kuraasta, Golayaasha Deegaankuna xilkii loo igmaday wey lumiyeen, dad baa han leh ,oo doonaya inay isa soo sharaxaan, balse haddii ay kolba dib u sii dhacaan Doorashooyinku maaha arin haboon”

Mar uu ka  hadlaayey Safarka Madaxweynaha ayaa yidhi“ Inuu Madaxweynuhu meel kasta oo dalka ah inuu maro waa arin aad u wanagsan, waana ku bogaadinayaa, dadkuna si fiican bay ugu jawaabeen, una soo dhaweeyeen, Madaxweynuhu inuu gaadho Gobolada Barri, aad baan ugu faraxsan nahay, waliba meelihii ay Ciidamadu deganayeen, maxa yeelay Ciidamada ayey dhiirigalin u tahay, si fiicana hawshan uu u maamulayo, Mucaarad iyo Muxaafidba waan ku hambalyeynayaa sidii loo soo wada dhaweeyey Madaxweynaha”

Dr Cumar Shubay mar  uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliya ee uu Madaxeynuhu joojiyey ayaa yidhi “Wadan aan ku doonayn la iskuma qasbo, waxaa la wada hadlaa marka ay labada dhinac is ogol yihiin, balse iyada oo dhib lagugu hayo cidna lama hadli kartid, Madaxewynuhuna waxaan qabaa inuu ku saxsan yahay inuu joojiyo wada hadalada Somaliya, marka ay tixgelin iyo qiimayni jirto ayaa wada hadalka uu imanaya”