Guddoomiyaha Jaamacidda Hargeisa oo Ku Suntay Shirkadaha Dahabshiil Kuwo U Heellan Horumarinta Jaamacadaha

0
1250
uddoomiyaha Jaamicadda Hargeisa, Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse, ayaa la mataaneeyey Shirkadaha Dahabshiil Group hroumarka  Jaamicaddu sannadahan u dambeeyey ku tallaabsatay, gaar ahaan dhinacyada dhismaha iyo ballaadhinta adeegyadadeeda.
Isaga oo soo koobaya tirada iyo kulliyadaha jaamicadda, waxa uu Dr. Maxamuud xusay in ardayda ka qalinjebineysa Jaamacadda ee kooxda 15aad (15th Graduating Batch) oo dhan yihiin 537, oo 430 ka mid ahi yihiin hablo, halka 507 ay yihiin wiilal.
Quruxda ardayda lebbisan, dhawaqyada farxadeed, mashxaradaha iyo hambalyada ardayda, macallimiinta iyo waalidiintu madasha ku bileen, ayaa ahayd mid ka tarjumeysey rajada iyo raynraynta dhallinta madasha lagu karaameeyey ee qalin jebineysey.

Waxa uu Guddoomiyaha, oo ka hadlayey Talaadadii, 28 August 2018, qalinjebinta Kooxdii 15aad ee ka qalinjebisa Jaamicadda Hargeysa, hoosta ka xarriiqay in Dahabshiil uu Jaamicadda in badan la barbar taagnaa taageero hiil iyo hooba leh, oo wax badan ku soo kordhisay bilicda iyo mugga Jaamicaddu leedahay, taas oo u beddeshey mid ku kalsoon oo diyaar u ah haatan inay adeegyadeeda si kalsooniyi ku dheehan tahay ugu fidiso da’yarta ka soo martiya qaybaha kala duwan ee waxbarashada heerka kowaad iyo kan labaad ee ay u fidiso bulshada.
“Sannadkii ‘17ka laga soo bilaabo ilaa ‘18ka, Dahabshiil Group waxa ay xil badan iska saartay oo awood (effort) geliyeen waxyaabo badan oo la taaban karo,” ayuu yidhi.
“Waxa ka mid ah hoolkaa imminka Madaxweynuhu soo furay oo qaadaya 400 oo qof, 32 xamaam oo wax weyn u taraya Jaamicadda maadaama ay dadkii soo bateen, deyrkaa ay ‘fence’ka’ (siligga) saarayaan iyo waxyaabo farabadn oo kale,” Ayuu raaciyey Dr. Maxamuud.
“Waad arki kartaan in markii u horreysiiyey tirada hablaha iyo wiilasho aad isugu soo dhowaadee,, iyada oo fasallada qaarkood ayba si muuqata ugu badan yihiin habluhu,” ayuu yidhi Dr. Yuusuf.
Waxa uu hoggaamiyaha Jaamicadda Hargeysa tilmaamay in Dahabshiil Group waxtarka uu ka geysto Tacliinta, gaar ahaan tacliinta sare, uu gaadhsiisan yahay ama ku fidsan yahay dhulalka Afka Soomaaliga lagaga wada hadlo oo dhan.
Sidaa uu qiray Guddoomiye Maxamuud, Shirkadaha Dahabshiil Group kuma koobnayn waxtarkeedu Jaamicadda Hargeysa iyo sannadaha uu carrab-baabay, ee waxa xusid mudan ilaa maalintii jaamicaddan la aasaasay ilaa maanta in taageero aan su’aal lahayn oo hagar la’aan ah Dahabshiil u huray horumarinta iyo tayaynta adeegyada iyo mugga dhismashayaasha waxbarashada.
Dahabshiil Group qoondooyin joogto ah ayuu sannad walba ugu daraa miisaaniyadda, waxana uu hore uga fuliyey, tusaale ahaan, Jaaamicadda Hargeysa Fasallo, goobaha ardaydu ku nasato, mundullayaal, kuraas (outdoor ah), iwm.
Dhinaca kale, Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashiid Maxamed Siciid, oo kelmad uu wakil kaga yahay Golaha Sare ee Jaamicadda ka jeediyey madasha ayaa si kal iyo lab ah ugu hambalyeeyey 936 arday oo dhammaystay waxbarashadoodii heer jaamicadeed guusha iyo libinta ay ka soo hooyeen dedaalkoodii iyo samirkoodii.
Waxa uu Cabdirashiid ku boorriyey dhallinyarada guushooda loo dabbaadegayey inay sii wataan hankooda waxbarasho kuna dedaalaan inay ka midho dhaliyaan tacabka iyaga, waalidkooda iyo macallimiintoodu gelayeen aqoon-korodhsigooda.
“Shirkadaha Dahabshiil Group waxa ay idinla barbar taagan yihiin wax kasta oo suurtagal ah oo aayahiinna wax taraya, oo ay u horreyso fursadaha shaqo,” ayuu yidhi Maamuluhu.
Waxa Maamuluhu ku ammaanay madaxda hoggaamisa jaamicadda tallaabooyinka taxanaha ah ee horumarineed ee ay horseedka ka yihiin, isaga  uu tilmaamay in marka Jaamicadda la soo gelayo ay ula muuq ekaatayba kuwii dunida aad u horumartay, sida Imaaraadka.
Waxa uu Maamuluhu ugu bushaareeyey ardayda in Shirkadaha Dahabshiil Group qorshaynayo ballaadhinta hawlaheeda (diversification) oo ay ku soo biiri doonaan qaybo kale oo samayn doona shaqo abuur ballaadhan sida warshadaynta.
Mudane Cabdirashiid waxa uu rajeeyey in dhammaan shirkadaha waaweyn ee Soomaalidu u guntadaan sidii loo kordhin lahaa oo loo sii tayayn lahaa fursadaha waxbarasho ee inanka ama inanta Soomaaliyeed ee la deriska ah duruufo kala geddisan, oo laga yaabo in qaarkood ka reebaan hiigsigooda.
Waxa xusid mudan in Shirkaduhu, tusaale ahaan, shanti sannadood ee u dambeeyey uu ku maalgeliyey kobcinta waxbarashada sare ee Soomaalida, gudo iyo dibedba, kharaj ka badan US$ 1 million, oo isugu jira qoondooyin sannadle ah, dhismayaal, fursado ama mixnado (sholarships) waxbarasho oo ay ka faa’iidaystaan arday ka soo kala baxday jaamacado kala duwan oo ku kala yaalla goobo kala durugsan Jiuquraafi ahaan.
Ugu yaraan saddex-daloolo afar dalool (two-thirds) ayaa khaas u ahaa dhulalka Af Soomaaliga lagaga hadlo, oo ay ka mid yihiin Jaamicadaha u waaweyn sida Hargeysa, Djibouti, Bossasso, Laas Caanood, Kismayu, Mogadishu, Cammuud, Burco, Buuhoodle, Badhan, iwm.
Waxa kale oo in badan la xusay oo taariikhda u gashay shirkadaha Dahabshiil in ka badan 70% saraakiisheeda iyo hawlwadeennadeedu yihiin arday jaamacadaha ku bartay dhulkooda, ayna ku soo kordhiyeen adeegyada shirkadda tayo iyo miisaan lagu majeerto.
In badan oo caalamka ah, waxa magaca Dahabshiil ula mid noqday astaanta damiirka fiyow ee horumarka, adeegga hufan iyo ammaanada ee Soomaalida, ama Afrikaba.
Shirkadaha Dahabshiil Group waxa ay ka kooban yaihiin, hadda, qaybta isu-gudbinta lacagaha (remittance/money transfer), isgaadhsiinta casriga ah ee SOMTEL iyo Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshiil (DBI) oo haatan adeeggiisu ku baahsan yahay Gobolka oo idil.