Shirkada Dahabshiil Group Door Intee Leeg Ayey Ku Leedahay Waxtarka Bulshada Warbixin Iftiimisay Arrimo Badan.

0
893
Picture by Daniel Hambury. 5/8/11. CEO of international money transfer company, Dahabshiil, Abdirashid Duale. Somalia has been hit by famine and drought again and British based Somalins are trying to offer support.

Shaqeysa Badiba Deegaanada Ay Somaalidu Degto iyo Wadamada Adduunka Ayeynu Warbixintan Ku falanqeyn Doonaa doorka ay Ku leedahay Gacan qabashada Ganacsatada yaryar, maalgalinta waxbarashada iyo caawinta bulshada somaalida ah meelkasta oo ku sugan yihiin iyo sidoo kale hirgalinta dhinaca adeegyo bulshadu ku diirasarto oo wakhtiyo yar uun ka hore bulshadu dhaqaale badan ku bixin jirtay.

Taariikh Ahaan “Dahabshiil” magaceeda hore waxaa la odhan jiray “Dhiigshiil”, Shirkadda waxa aasaasay isla milkiilaha shirkadda, Mudane Maxamed Siciid Ducaale sannadkii 1970. Waxayna milkiilaha iyo qoyskiisu markiiba u dhalan rogeen shirkaddii xawaalad caalamka oo idil ku baahda, oo wakiilladeeda iyo shirkadaha kale ee ay la bahowdey awood u siiya macaamiisheedu inay lacago u soo diraan qoysaskooda iyo asxaabtooda ku nool Geeska Afrika. Shirkadda oo afartan sannadood ka hor hal goob ka soo aasaasantay, maanta waxa ka hawlgala oo u shaqeeya in ka badan 4000 oo qof oo adduunka meel kasta ka jooga. Maanta ma jirto cid deyn amma qaan ku leh shirkadda Dahabshiil.

Kor u Kacaasi Balaadhan ee Shirkadu Sameysay Waxaa marwalba qayb ka ahaa bulshada adeega ay u qabato iyo habka iyo hanaanka kalsoonida lagu qabo ee ay shacabka ugu adeegto, sidaas oo ay tahay haddana Dahabshiil group marnaba kama ay madhnayn Caawinta iyo Gacan qabashada bulshada kala duwan ee aaney la’aanteed halkaa gaadheen.

Shirkadaha Dahabshiil Group Waxay Isku Xidh Dhinac Dhaqaale iyo nololeedba isku xidhay Bulshada  Somalida Kuwa ku nool Qurbaha iyo kuwa ku nool dalka gudihiisa oo Ay Suurto galisay in qurbajooga ku nool dalalka dibadu dhaqaale usoo diraan shacabka somaalida ah ee ay ehelada iyo qaraabada yihiin

Waxaan cidna indha ka qarsan Karin doorka ay Dahabshiil ku leedahay Dhismayaasha iyo Koboca Dhinaca hirgalinta maalgashiyada kala duwan ee dalka Somaliland ay ku sameysay.

Hadaba Maxay yihiin Waxyaabaha Xusida Mudan ee Bulshada Ay u Qabato Ama Ku Celiso Si Kooban Aan u guud maro.

Door Intee Leeg Ayey Dahabshiil ku leedahay Maalgalinta Bulshada.

Shirkada Dahabshiil waxay maalgalin dhaqaale iyo mid dhismeba u sameysaa dhamaanba qaybaha bulshada somaalida deegaan kasta oo ay degan yihiin tusaale ahaan, Shirkada Dahabashiil ayaa deeq lacageed oo Dhan 100,000$ boqol kun oo dollar ku wareejiyay guddiga culimadda ee gurmadka Abaaraha ee Puntland.Wakhtigii ay Abaaraha ba’ani saameynta ku yeesheen.

doo Kale Waxay Dalka Somaliland wakhtigii ay abaaruhu saameynta ku yeesheen ku Wareejisay Lacag   Dhan $200,000 Kun Oo Dollar Ugu Deeqday Taakulada Gurmada Abaaraha Bulshada Somaliland Deegaanaddii ay Riiqda ku Reebtay Abaartu.

Dhinaca Wadooyinka Iyo Dhismahooda Waxay Dahabshiil group Lacag dhan Afartan Kun oo Dollar US$40,000 ugu deeqday dhismaha wadad isku xidhna Hargeisa Ilaa Burco.halka Wadada Degmada allaybaday ay ugu deeqday Shan iyo labaatan kun oo dollar  US$ 25,000  dhismaha wadada isku xidha alaybaday iyo gabiley.

Taakuleyna Qaxootiga Yaman Waxay Shirkadu ugu deeqay dhaqaale Gaadhaya ilaa US30,000

Halkan Kuma Soo koobi karno Dhamaan Taakuleynta iyo Caawinooyinka ay bulshada u Qabatay Shirkada Dahabshiil group balse waxaan usoo qaatay uun kuwan tusaale ahaan waxtarka ay bulshada ku celisay oo ay qayb ka yihiin.

Shirkada Dahabshiil waxay ku suntan tahay doorka ay ku leedahay Dhinaca Waxbasharada Deegaanada ay bulshada Somaalidu ku nooshay oo dhamaantooday si buuxda u gacan qabato haddii ay tahay waxbarashada dhinaca jaamacadaha iyo haddii ay tahay dhinaca dugsiyada sare iyo hooseba.

Dahabshiil waxay dhaqaale Malaayiin doolar ah ku bixisay dhismayaasha kala duwan ee Bulshadu wax ku barato sida jaamacaha dalka oo ka hirgalisay dhismayaal cusub iyo caawinooyin dhinaca qalabka waxbarashada ah oo ay ku wareejisay jaamacada waaweyn ee dalka.

Dhinaca Dhiirigalinta Ganacsiyada Yaryar Waxaan La Hilmaami Karin doorka ay  ku u lahayd Munaasibado Waaweyn oo lagu soo bandhigay Dalka Gudihiisa iyo Wadamada Dibedaba oo Ay Shirkada Dahabshiil ku lahayd Door Laxaad leh islamarkaana ay Qayb Muuqata Ka Qaadatay Gacan qabashada Bulshada iyadoo u Abuurtay Ganacsiyo yaryar oo kaba nolol maalmeedkooda shacabkuna Si Waafiya ugu diirsadeen.

Shirkada Dahabshiil oo Ka Duulaysa Baahiyaha aas-aasiga ah ee Dhinaca bulshada waxay Gobolada Maroodi jeex iyo Gobolka Awdal Ka hirgalisay kuna Wareejisay Furayaashooda Guryo tiro badan kuwaas oo ay dadka dabaqada dhexe ay maalgalin ahaan ugu dhistay halka dadka danyarta ahna ay iyadu si kaalmo ah ugu dhistay.walow aaney shirkadu kaliya ka hirgalin labadaasi gobol oo kaliya haddana waxaa jira deegaano faro badan oo ay ka hirgalisay maalgalinta dhismayaasha guryaha iyo qodista dhinaca ceelasha waraabka ah ee bulshadu manaafacaadsato……..

La Soco Qormada Labaad ee Warbixintan.