Maamulaha Guud ee Dahabshiil Oo Uga Warramay VOA Kulan Uu La Qaatay Dhallinyaro Baratay Hoggaminta oo uu Jaamacadahooda Gacan Ka Gaystey Dahabshiil

0
1010

Maamulaha Guud ee Dahabshiil Oo Uga Warramay VOA Kulan Uu La Qaatay Dhallinyaro Baratay Hoggaminta oo uu Jaamacadahooda Gacan Ka Gaystey Dahabshiil
“Waxbartaha Soomaaliyeed ee dadkiisa kula noqonaya aqoontiisa waxa uu mudan yahay dhiirrigelin kasta oo ka kaalmaynaysa gaadhidda hadafkiisa waxbarasho – her kasta oo ay tahayba,” sidaa waxa yidhi Cabdirashiid MS Ducaale, oo fiidnimadii Sabtida, August 4, VOA ku waraysatay barnaamijkeedaMartida Makarafoonka.

Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group, Cabdirashiid, waxa uu mar kale xaqiijiyey in shirkadaha Dahabshiil gara iyo gaashaanba u yihiin bulshada Soomaalida ee ay ka soo dhex baxeen, u adeegaan ee la dhaqan iyo dhiig baxaan.

“Cilmiga bulshada si toos ah ugu laabanaya ee mashaakillada manta haysta abbaaraya waa mudan yahay in la garab istaago,” ayuu yidhi Cabdirashid.

Waxa weedhaha Maamulaha Guud ka jawaabayeen su’aalo kookooban oo Tifatire Ridwaan Xaaji Cabdiweli, oo barnamijka isagu isku soo duway, daahinayeyna, uu Maamulaha ka weydiiyey kulan uu la qaatay 27 aqoonyahan oo wax ka baratay cilmiga Hoggaaminta (leadership), oo Dahabshiil gacan ka geystey.

“Ardaydaas markii u horreysey ee aannu kulanno, waxa na mideeyey waxa ay ahayd hadafka waxbarasho ee ay sheegteen oo na soo jiitey. Cid ay yihiin iyo gobollo ay ka yimaaddeen midina muhim nooma ahayn oo ma aan xiiseyneyn – keli ah yoolkooda waxbarasho ee ay ii soo bandhigeen,” ayuu yidhi Cabdirashiid.

Waxa uu Cabdirashiid sheegay in ardaydaas ballanka xilligaa dhex maray uu ahaa inay iyaguna oggolaanshaha Jaamacadaha doontaan oo culays saaraan sidii ay u aqbali lahaayeen (acceptance), shirkadduna uga taageeri lahayd dhammaystirka culuumta ay baranayeen ee saamaynta togan ku leh bulshada.

Waxa uu Maamuluhu tibaaxay in ardaydaas, marka ay soo afjaraan aqoonta ay barteen, ay bulshada kula noqon doonaan waxtar saamayn hoggaamineed ku biiriya dhinacyada amniga dhaqaalaha, siyaasadda, IWM., bushadaa aqoontoodu anfacaysaana aanay ahayn oo qudha tii dhulalka Soomaalida ee bulshada Soomaaliyeed ee, tusaale ahaan, Ingiriiska ku nool lafteedu u baahan tahay wax ka Kaaba ama la hatateeliya mashaakillada badan eek u haysta carrigan.

“Halkan aynu joogno ee Ingiriiska laftiisa waxa jira dhallinyaro badan oo xidhan, kuwo dhibaatooyin ka haystaan dhinaca sharciyada, qaar kale oo luqadda ay isku dhibban yihiin. Dhallinyaradan wax aka mid ah qaar hore uga shaqaynayey ama hadda shaqo ka helay hay’ado dadka ka kaalmeeya dhibaatooyinka bulsho eek u taagan. Qaar badani waddankii ayay tageen oo aqoontoodii ay la wadaagaan,” ayuu yidhi Maamuluhu.

“Maanta qofkii aqoon leh, qofkii dedaala, qofkii karti leh ayaa wax badani u fududaanayaan, cid kalena wax tari kara,” ayuu tilmaamay Cabdirashiid.

Cabdirashiid waxa uu hoosta ka xarriqay in dhallinyaradan Jaamacadaha ka soo baxay ee uu Dahashiil gacanta ka siiyey inay isbeddel weyn oo loo aayo bulshada ku soo kordhin karaan meel ay tagaanba, haba ugu horreyso bulshooyinka Soomaaliyeed ee Carriga Ingiriiska ku nool, ee dhibtu ka haysato qaybo ka mid ah dhallinyarada.

“Dhallinyaradan wax baratay, waxa ay tusaale u noqon karaan kumanaan kale oo arkaya in qofkii wax bartaa aanu ku dhici Karin dhibaatooyinka in badan oo dhallinyarada ah hadda haysta, wax wanaagsanna ku soo kordhin karo bulshada uu ka dhashay ama ku dhaqan yahay. Waxa qofka dhallinyada ahi si tusayaa aqoonta iyo waxbarashada walaalkaa ama walaashaa samaysay maxaad ugu dayan weydey, taas oo uu fahmayo in haddii aanu sidaa yeelin noloshu ciil iyo carcaraaf iyo jeel u horseedi doonto” ayuu yidhi Maamuluhu.

Maamulule Cabdirashiid waxa uu xusuusiyey dhegeystayaasha barnaamijka in Dahabshiil ay hal-ku-dheg u tahay:DANTA BULSHADU WAA DANTA DAHABSHIIL.

Barnaamijyada daryeelka bulshada ee guud ahaanba shirkadaha Dahabshiil gacanta ka geystaan ama maalgelinta uu Bangigu sameeyo, waxa ay dhammaantood ku wajahan yihiin horumarinta kaabayaasha bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, nabadgelyada, shaqo-abuurka, Iwm. Oo dhammaantood si toos ah falgal togan ku leh nolosha qofka iyo mujtamacaba, taasina waa mid joogto uga mid ah qorshe-sannadlaha qaybaha kala duwan ee shirkadaha Dahabshiil.