Shirkadda Dahabshiil Group,ayaa  beenisay isla markaana waxba kamajiraan ku tilmaantay eedo Puntland u jeedisay.

Maamulaha shirkadda DAHABSHIIL ee Bosaso Yaasiin Beel-daaje ayaa jawaab cad ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland oo ku eedeeyay in ay shirkadda daabshiil in ay taageertay dagaalka Tukeraq oo ay Somaliland ka taageertay dhaqaale ay dagaalka Tukaraq ku gasho.

Maamule Yaasiin waxaa uu si adag uga hadlay eedaynahaasi sida ay u yihiin kuwo aan jirin oo been abuur ah isla markaana loo baahan yahay in xildhibaanada Puntland in ay raalli gelin ka bixiyaan.

Waxaa kaloo uu faah faahin ka bixiyay hawlaha shaqo iyo sama fal e shirkadda Dahabshiil ay ka qabato deegaanda Puntland.

Waxaanu intaa raaciyay in xildhibaanka ooku hadlayay afka Puntland in ay dawladda Puntland oo dhan shirkadda Dahabshiil uga fadhiyaan in ay arrintaas raalli glein deg deg ah

Haddaba warka Maamulaha shirkada Dahabshiil ee Bosaso oo dhammaystiran halkan hoose ka daawo.