Deg Deg: Siyaasi Cali Gurey Oo Taageero Buuxa Siiyey Madaxweyne Farmaajo

0
887

Siyaasi Cali Gurey Oo Ka Hadlay Fahanka Iyo Kulanka Labada labada Raiisul Wasaare ee labada dawladood ee federaalka Itoobiya iyo federaalka Somalia

Horaa loo soconayaa
Marka keliya ee Somalia ay runta ku soo dhawaatay waxa noqonaya is-fahmkii dhex maray labada Raiisul Wasaare ee labada dawladood ee federaalka Itoobiya iyo federaalka Somalia. Talo ka saxsanayd oo ka haboonayd uu qaadan karayayna Farmaajo maajo may jirin marka run lagu wada hadlayo. Caqli maaha kuwa doonayay in dawladda yar ee Qadar ee caliosheef la ciyaarka ah uu cid kasta colaad gashado oo fidmadeeda iyo kibirkeeda ku raaligeliyo danta dadkiisa iyo dalkiisa. Xiligu maaha kii shalay soomaaliyina maanta intii Ilaahay is badayba inay nabadeeda iyo horumarkeeda ka wada shaqaysato kuwa kalena nabad kula noolaato ayaa u dan ah. Itoobiya waa cadowga koobaad ee soomaalida laga dhegaysan maayo cid kale oon ahayn soomaalida Itoobiya iyaguna maaha kuwii shalay durbaanka beenta ah loo tumayay ee waa dad gartay dantoodu in aanay ku jirin durbaan been ah oo hadba kuwo aan waxay yeelaan mooyee wax ay u tarayaan jirini ay u garaacaan. Xidhiidhka soomaalida iyo xabashida waxaa loo daba fadhiisanayaa soomaalida Itoobiya oo ah qoomiyad soomaaliyeed oo ka mid ah qoomiyadaha federaalka Itoobiya. Kuwa Farmaajo haystaana hadii ay xilka uu hayo iyagu hayn lahaayeen sida uu yeelay si aan ahayn oo ay yeeli lahaayeen ma jirto. Hadaba kuwa waxoooga ay Qadar siiso ku iibsanaya danta dalkooda iyo dadkoodu ha dilaacaan. Horaa loo soconayaa