“Talaabadani Waxay Kow ka Tahay Amarkii Madaxweynahu Nagu Siiyay Ka Dawlad Hoose Ahaan Inaanu Meelaha Dhaamamka Ah Dadka Ka Rarno Oo Kabadbaadino Si Aanay U Dhicin Masiibadii…..”

0
819

Dawladda Hoose Oo Shalay Ku Waabariisatay Hawlgal Ay Ku Rarayso Dadka Degan Dhaamka Qudhac-Dheer Ee Magaaladda Hargeysa 

Magaca Hal Qof Oo Ku Dhaawacmay Hawlgalkaasi Shalay + Halka Dadkan Loo Raray

Ugu yaraan Hal Qof ayaa la xaqiijiyey inuu ku Dhaawacmay hawlgal ay Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa ay shalay ka fulisay Dhaamka Qudhac-dheer, kaas oo ay ku raraysay Dad Danyar u badan oo deggan Hareeraha Dhaamkaas, ka dib markii Qoys halkaas degganaa bilawgii Bishan Daad qaaday, isla markaana Laba Carruur ahi ku geeriyoodeen, halka Hooyadoodna la badbaadiyey.

“wiilka dhaawaca ahi waa walaalkay, markaa hiirtii hore ee Saaka (shalay) ayaa dadka meesha loogu yimid, waxaana loo sheegay in la rarayo, iyadoon dadka loo sheegin halka loo rarayo ayaa degdeg lagu soo galay,weerar baa lagu qaaday jingadihiii oo xoog lagu furfuray, walaalkay wuu taagnaa oo wuxuu lahaa waanu guuraynaa, waanu guuraynaa ee dadka si degan ula hadla oo wax ugu sheega haddaad tihiin masuuliyiintii dawladda hoose.” Sidaasi waxa warbaahinta u sheegtay walaasha Ninka dhaawacu soo gaadhay

Ninka dhaawacmay oo lagu magacaabo Cali Ibraahim Muuse, isla markaasina kamid ahaa dadka degan xaafadaasi, ayaa loo qaaday isbitaalka Hargeysa halkaasi oo xaaladiisa caafimaad lagu tacaalayo.

Bulshada degan xaafadaasi ayaa sheegay inay diyaar u yihiin una ahaayeen in la raro, balse aan loo sheegin halka loo rarayo si ay ugu talogalaan. “waxaanu nidhi waar dadka xaafadan degan baanu nahay ee nala hadla oo xagee nagu wadaan, ayay laad iyo jajabin ku dhufteen sandaqadii. Goobta ninkaasi xabada loogu riday balaayaba may taagnayn.” Sidaasi waxa tidhi marwo xaafada deganoo warbaahinta la hadashay markii dhacdadani timid.

Dhinaca kale xoghayaha dawladda hoose Axmed Yoonis Aadan Juxa ayaa warbaahinta u sheegay inay jiraan dad uu ku sheegay inay carqaladaynayaan dhulka la siiyay dadka danyarta ah ee halkaasi laga rarayo. “waxay doonayaan dhulkaa dadkaa maatida ah ee waliba la rarayo la siiyay, inay ka boobaan, waad arkayseen wixii buul iyo baco iyo weel lasoo qaadaayay, waxaa laga soo qaaday guryahan daaraha ah, dad meesha degenaana maaha.” Ayuu yidhi

“madaxweynaha oo nagu amray ka dawlad hoose ahaan maadaama xili roobaadkii lagu jiro oo uu cirku curtay imika, masiibadaii dhacday si aanay dib ugu dhicin, waayo aragnimadii aanu ka dhaxalnay in qoysaskii degenaa dhaamka dhexdiisa ay dawladda hoose dhul dhaw oo qaranku leeyahay ay siiso oo ay dejiso, waxaad arkayseen dadweynihii meesha degenaa oo lixdaneeyo qof ku dhaw, oo goobtuna ay boolisku ku sugan yihiin, waxaad arki doontaan imikana bartii loogu talogalay oo shaqaale carbisani u diyaar yahay oo sii joogaan.” Sidaasi waxa yidhi maayir-ku-xigeenka caasimada, waxaanu intaasi ku daray “Waxaan halkan ka cadaynayaa beenaale qof fog buu marag ka dhigtaaye, sida aad u aragteen iyadoo loo shaqaynaayo ee jingadihii loo furfuraayo, booliskiina taagan yahay, waxaan idinka codsnayaa in barta aanu gaynayo dadkan oo intay inoo jirtaa ay aad u yar tahay inaad nala soo aragtaan, oo ah Maxamed Mooge badhtankiisa, laba iyo toban sanadood kahor bartii dadkan la gaynayay oo ah dhul dan guud oo intaasba taalay, guryahoodii, buulashoodii iyo jingahadoodiina gaadhi baanu ugu qaadaynaa, shaqaalihii ufurfuray ayaa u xidhidhiya oo u dhisaya welibana.” Ayuu yidhi maayir-ku-xigeenka caasimada,Cabdicasiis Maxamed Xaashi caga-weyne