Sheekh Aadan-Siiro Oo Guddiga Doorashooyinka Ku Canaantay Kala Saarid La’aanta Laba Xubnood Oo Ku Muransan Kursi Ka Bannaanaaday Golaha Wakiillada

0
842

Hargeysa (Hubaal) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay muranka ka taagan Cidda buuxinaysa Kursi ka bannaanaaday  Golaha Wakiillada Somaliland, kaasi oo uu ka Geeriyooday Alle ha u naxariistee Xildhibaan Ibraahim Kacaan.

Kursiga uu banneeyay Marxuum Ibraahim Kacaan, ayaa waxa isku haysta Xuseen Axmed Caydiid oo hadda ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Muuse Abees.

Labadan Xubnood oo ka mid ahaa Musharraxiintii u tartamay Doorashadii Golihii Wakiillada Somaliland ee 2005-tii, ayaa mid walba doonayaa inuu buuxiyo Kursiga uu banneeyay Xildhibaanka Geeriyooday, isagoo mid walba ku doodaya inuu yahay Xubinta ugu codka badan Musharraxiintii Doorashada ku hadhay, sidaasi darteedna ay tahay inuu Kursigaa buuxiyo.

Sheekh Aadan-Siiro ayaa Khudbadda Jimcaha ku canaantay Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo uu sheegay inay ahayd inay kala saaraan labada Xubnood ee Kursiga isku haysta, waxaanu yidhi “Waxaynu ka hadlaynaa Cadaaladda, Cadaaladda waxaynu uga hadlaynaa oo aynu u soo qaadanay Khudbaddani waa mid ku socoto Komiishanka Doorashooyinka Qaranka  oo kala saari kari la’ Laba Inan, Komiishanka oo loogu talo-galay inay kala saaraan Golayaasha deegaanka iyo Baarlamaanka oo 82 Xubnood ah, ayaa waxay kala saari la’yihiin laba Inan oo isku deegaan ah oo Hargeysa ku wada nool, iyada oo ay ahayd inay soo saaraan kooda leh tirada (badan ee lagu gelayo Golaha Wakiillada). Waxaanu doonaynaa Khudbaddan oo Cadaaladda ka hadlaysa inaanu si kooban ugu hoga-tusaalayno Komiishanka Doorashooyinka oo aynu ku waaninayno inay shaqadooda qabsadaan, si aanay Ummaddu u murmin.”

Sheekhu waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu nahay Dadka ku qanacsan in Somaliland wax noqoto, jirto oo ay joogto, laakiin ay wax ku noqoto Islaamnimo, inay wax ku noqoto Caddaalad, wax wada lahaanshiyo, Somaliland uu Islaamku ku itaal-daran yahay ma taageersanin, Somaliland bilaa Caddaalad ah ma taageersanin, Somaliland dhinac ka rarran oo Xisbi, Koox ama Reer leeyahay ma taageersanin, Waayo? Cadaaladdu waa asalka nolosha…” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Imaamu Showkaani wuxuu yidhi ‘Cadaaladdu waa Dadka oo lagu kala saaro Kitaabka ILLAAHAY iyo Sunnaha Rasuulka (CSW), maaha Ra’yi Qof leeyahay.’ Maxaa keenaya Ra’yi qof leeyahay, Dadku hadday ka tagaan Kitaabka iyo Sunnaha Rasuulka (CSW) Culimadii hore ku fasireen Toban Nin oo Indho la’ oo Maroodi qabsaday, ee markii mid mid la waydiiyey waxa Maroodigu yahay, kii Dhegta qabsaday wuxuu yidhi ‘Maroodigu waa Masaf’, kii Lugta qabsaday ayaa la yidhi waa maxay Maroodigu, dabadeedna wuxuu yidhi ‘Maroodigu waa Jirid’…..Markaa Dadku hadday ka tagaan waxa ka dhexeeya ee ILLAAHAY keenay ee aan Cidna aqoonin, Deegaanna aqoonin (Kitaabka) waxay ka dhigan yihiin Tobankaa Indhaha la’ ee Nin walba in meeshiisa loo jaro mooyaane aan laga furfurayn oo kale. Cadaaladdu waxay ku jirtaa waxa innaga dhexeeya (Kitaabka ILLAAHAY), weliba Maanta Mas’alo kasta oo soo korodha waxa jira Culimo aqoon leh oo u ila-bixisa. Illaahay wuxuu yidhi ‘Muuminiintiiyoow waxaad noqotaan qaar Cadaaladda ku sugan, illaahay dartii Marag u ah, natiina ha noqoto, labadiina waalid ha noqoto, Qaraabadiina ha noqotee, marka Dadka la kala saarayo illaahay dartii u kala saara..”

Sheekh Aadan wuxuu sbeegay in duruuf kasta oo lagu jiro fulinta Cadaaladdu khasab tahay “Waxaynu sheegaynaa duruuf kasta oo jirta Qofka Muslimka ah in loo Caddaalad-falo ama Amiir ha noqdo ama Qofka inoogu aqoonta badan ha noqdo Qof xaqaa duudsiyi karaa ma jiro.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Komiishanka waxaanu leenahay Ummadda intaas leeg ayaa idin sugaysa, Sannad ka dib waxa la galayaa Doorashadii Golaha Wakiillada, waxa la gelayaa Doorashadii Golayaasha deegaanka oo dhan, Ummaddu siday ugu kalsoonaanaysaa kala saariddiina haddaad laba Inan kala saari kari waydaan.”

Sheekhu wuxuu sheegay inaan Komiishanka laga aqbali Karin inay laba Qof kala saari waayaan “Dhismaha aad ku shaqaysaan waa saddex dabaq, intaas oo Kaabadood ayaa la idinku wareejiyey, Mushahar Somaliland ugu badan baad qaadataan oo dhowr kun Dollar ah, markaa la idinkama aqbali karo Inaad laba Qof kala saari kari waydaan, midda kale maxaa intaas oo Kayd ah loo sameeyay, maxaa intaas oo Koombiyuutar meesha u yaallaan, maxaa intaas oo Shaqaale ah oo Kharash ku baxo ay Xafiiskiina u joogaan, waxaanu leenahay Waar labadaa Inan kala saara..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Maxkamadda ayaad ku meeraysanaysaan, Maxkamaddu xaq uma laha, Maxkamaddu way dhaarinaysaan uun, Komiishanka ayaa gudbinaya Nin walba Tiradiisa ama Qofka ugu Codadka badan, dabadeedna Maxkamaddu Qof kaas ayuun bay dhaarinaysaa. “

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga hadlay khatarta ka dhalanaysa Diin Cayga “Waxaan u Mahad-naqayaa Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Somaliland ee u kacay inay la dagaalamaan Diin cayga.”

Sheekhu wuxuu sheegay inay khalad tahay in la difaaco Qofka Diinta caaya marka Sharciga la hor-geeyo “Waxa soo baxay Maalinta Nin Magac leh uu wuxuu doono sameeyo oo uu Diinta Caayo ayaad arkaysaa Dad badan u doodaya, waxaanu leenahay ka waantooba, Dalkaa ku rogmaya Diinta iyo illaahay oo la caayo.”ayuu yidhi.