Xisbiga KULMIYE Oo Jawaab Adag Ka Bixiyey Hadallo Deel-qaaf ah oo uu Guddoomiyaha WADDANI Ku Duray Haldoorka Umadda, Haybadda Qarankana Ku Hagardaameeyey

0
994

Hoggaanka xisbiga midnimada iyo horumarka Somaliland ee KULMIYE, ayaa si kulul uga jawaabay eedo uu guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) maalintii shalay ku weeraray madaxweyneyaashii xisbiga KULMIYE kasoo jeeday ee talada dalka u kala dambeeyey, isla markaana uu ku duray heshiiska maal-gashi ee saddex-geesoodka ah ee lagu horumarinayo marsada Berbera.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, Mudane Jaamac Ismaacil Cige(Jaamac Shabeel) oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE ku leeyahay gudaha caasimadda Hargeysa, ayaa hadalka kasoo yeedhay guddoomiyaha xisbiga WADDANI ku sheegay mid xaqiiqada baalmarsan, isla markaana lagu dhaawacay sharafta iyo karaamada madaxweynihii hore ee dhawaan ka degay talada dalka, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) iyo madaxweynaha haatan xilka haya, mudane Muuse Biixi Cabdi, looguna hiiliyey cid kasta oo cadow ku ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo jiritaankeedaba.

Ugu horrayn guddoomiye Jaamac Shabeel, waxa uu bulshada si qoto dheer ugu faahfaahiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray heshiiska lagu maalgelinayo marsada Berbera iyo doorkii lama illaawaanka ahaa ee guddoomiye Cirro ku lahaa meelmarinta heshiiskaas, maadaama oo uu ahaa guddoomiyaha golaha wakiillada, isla markaana uu guddoominayey fadhiyadii kala duwanaa ee goluhu kaga doodayeen heshiiskaas, ugu dambayntiina ku ansixiyeen, waxana uu yidhi, “ Guddoomiye Cirro waxa uu yidhi, ma jiro wax heshiis ah oo xukuumaddu hor keentay Golaha Wakiillada, heshiiska dekedda Berbera-na waxa uu sheegay inay wada galeen Somaliya iyo Imaraadka Carabtu ee aan Somaliland wax heshiis ah lala gelin. Waxaan la wada soconnaa in xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ay Golaha Wakiillada oo uu Guddoomiye ka ahaa Guddoomiye Cirro u gudbisey taariikhdu markii ay ahayd, 9/08/2016, heshiis ku saabsan maamulka Dekedda Berbera, golaha wakiilladuna isaga oo gudanaya waajibkiisa ku cad Dastuurka Qaranka qodobka 53, xubintiisa 3-aad, waxa uu dood ka dib cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiiskaasi. Guddoomiyihii Golaha Wakiilada ee xilligaasi, oo ahaa Cabdiraxmaan Cirro waa ninkii doodda, golaha wakiilada qaybinayey, isagoo cod geliyey oo u yeedhiyay golaha habka ansixinta loo marayo, go’aankii Golaha oo uu isagu saxeexayna waxa uu u gudbiyay Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland ee hore Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliland ee hadda joogaa Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu fulinayaa heshiiskii ay ansixiyeen golaha wakiillada ee Cabdiraxmaan Cirro guddoomiyaha ka ahaa.Haddaba waxa nasiib-darro ah in Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu maanta ku eedeynayo labadaa madaxweyne ee u kala danbeeyey Somaliland heshiiska dariiqaa cad ee sharciga ah soo maray.”

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, Mudane Jaamac Ismaaciil Cige, isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu hoosta ka xarriiqay in eedaha indho la’aanta ah ee uu guddoomiye Cirro huwiyey heshiiska maal-gashi ee marsada Berbera uu xaqiraad ku yahay golihii uu muddada dheer soo hoggaaminayey ee codka aqlabiyadda ah ku meelmariyey heshiiska, isla markaana uu heshiiskaasi ahaa mid aan cidna ka qarsoonayn oo fagaareyaal cid waliba goob joog ka ahayd lagu kala saxeexday, “Eedaynta uu maanta samaynayo Guddoomiye Cirro waxa ay xadgudb sharci iyo xaqiraadba ku tahay Golihii uu hoggaaminayey ee aqlabiyadda ku ansixiyay heshiiskan, waxana cad in Mudane Cirro dafirayo heshiiskaa dariiqa dheer ee sharci soo maray ee uu xog-ogaalka ka ahaa. Guddoomiye Cirro waxa uu eeddiisa daliil uga dhigtay hadalkii Wasiiru-Dawlaha arrimaha debedda ee Imaraaadka carabtu ku sheegay waraysigii Idaacadda BBC laanteeda afcarbiga, haddaba, waxaannu Guddoomiyaha WADDANI xusuusinaynaa in Somaliland ay tahay qaran madax-bannaan oo si iskeed ah Imaraadka Carabta ula gashay heshiiska dekedda Berbera kaas oo aan marna u dhicin si qarsoodi ah saxaafadda caalamkuna soo bandhigtay, kana cadhaysiiyey dhammaan inta neceb guulaha iyo horumarka Somaliland,” ayuu yidhi guddoomiye Jaamac Shabeel.

Mudane Jaamac Shabeel, waxa uu su’aal geliyey, isla markaana bulshada la wadaagay sababaha keena in guddoomiyaha WADDANI mar walba la safto maamulka Muqdisho oo caadaystay carqadaladaynta horumarka Jamhuuriyadda Somaliland iyo ka hor imaanshaha guulaha qarankani gaadho, waxana uu intaas ku daray in dacwaddii uu dhawaan Maamulka Muqdihso ka gudbiyey heshiiska Maal-gelinta Berbera uu muujinayso sida aanay marnaba Soomaaliya wax lug ah ugu lahayn heshiiskaas, waxana uu yidhi, “Waxaad ogtihiin in guddoomiye Cirro marka ay timaaddo arrimaha horumarinta iyo tallaabooyinka caalamiga ah ee Somaliland hore u qaaddo uu la mawqif noqdo ama is barbar taago Maamulka Muqdisho oo aan marnaba oggolayn jiritaanka, iyo horumarka Somaliland, taasna waxaa idiin caddaynaya, go’aammada ay Somaliya ka qaadatay Heshiiskan, sida dawcwaddii ay u gudbiyeen Golaha ammaanka ee jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa, jaamacadda carabta, iyo go’aankii ay ka qaateen golohooda baarlamaanku, dacwaddaa iyo diidmadaa Soomaaliya waxay beeninaysaa in heshiiska ay kala saxeexdeen Imaaraatka Carabta iyo Soomaaaliya.”

Guddoomiyuhu waxa uu ka hadlay is-fahanka la weriyey inuu dhex maray Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, waxana uu caddeeyey in shirkadda DP World iyo dawladda Ethiopia lagula heshiiyey kaliya sidii ay u maamuli lahaayeen marsada Berbera iyo badeecooyinka kasoo degaya ama ka dhoofaya, Tafaahumka la sheegayo inuu dhexmaray Soomaaliya iyo Imaaraatka carabtu maaha wax khuseeya Somaliland, mana ogin. Guddoomiye cirro waxa uu sheegay in la iibiyey dekedda Berbera lana siiyey $400,000,000,. Somaliland-na ay ka heshay lacagtaas 30%. Taasi waa arrin lagu majaro habaabinayo bulshada reer Somaliland (six un wax u sheeg sixir ka daran). Xaqiiqdu waxa ay tahay in aan dekedda Berebra la iibin, cidna aaney inagala dhaxaynin. Waxa keli ah ee shirkadda DPWorld iyo dawladda Itoobiya lagula heshiiyay maamulka badeecadaha ka soo degaya iyo adeegga ay bixiso,” ayuu yidhi guddoomiye Jaamac Ismaaciil Cige.

Mudane Jaamac Ismaaciil Cige, waxa uu sheegay in madaxweyneyaashii xisbiga KULMIYE kasoo jeeday ee talada dalka u kala dambeeyey dalka kusoo jeediyeen indhaha caalamka, halka uu guddoomiye Cirro mar walba kala safan yahay cadowga Somaliland, isla markaana uu dafirsan yahay halgankii naf iyo malaba lahaa ee ay soo galeen halgameyaashii reer Somaliland ee ay madaxweyneyaashaasi kamidka ahaayeen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa iswaydiin leh, ma Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee la mawqifka ah dawladda Muqdisho ayaa khiyaamo qaran ku jira, mise madaxweynayaasha dalka u soo jeediyey indhaha caalamka ee fududeeyey in maalgashadayaasha Caalamiga ahi yimaaddaan Somaliland, waxana inoo caddaatay in haddii guddoomiye Cirro doorashada ku guulaysan lahaa, ilaahayba kama dhigine, uu maxkamad geyn lahaa xabsigana u quudhi lahaa halgamayaashii ummaddan naftooda u soo hibeeyey. Guddoomiye Cirro wuxu dafiray halgankii mujaahidiintii ay ka mid ahaayeen Maxmed Cali, Lixle, Koosaar, Dayib Guray, Yaasiin Dheere, Cabdiraxmaan Aw Cali Koodbuur, Cabdixakiim Sumuni, Axmed Siilaanyo, Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin (intii dhimatay Ilaahay ha u naxariisto).”

Waxa uu guddoomiye Jaamac Shabeel bayaamiyey xaaladdii uu ku jirey dalkii la isku odhan jirey Soomaaliya sanadkii 1969-kii oo uu guddoomiye Cirro barbar dhigay Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta, waxana uu ugu horrayn bulshada la wadaagay sidii xaalku ahaa waqtigaas, waxana uu yidhi, “Guddoomiye Cirro wuxu sheegey in Somaliland marayso halkii uu dalku marayay 1969-kii.1969-kii gacan-ku- dhiigle Maxamed Siyaad Barre ayaa 1969-kii inqilaabay dawladdii la soo doortay ee uu Ra’iisal Wasaaraha ka ahaa Maxamed Ibraahim Cigaal (AHUN),Tallaabadii u horaysay, waxa uu Siyaad Barre toogtay Janaraal Maxamed Caynaanshe Guuleed iyo saraakiishii la socotay, waxa uu ka hor yimid Qur’aanka Kariimka ah, isaga oo laayay culimaddii xaqa sheegtay.Waxa uu Siyaad Barre 20 sannadood umadda soo mariyay dil iyo burbur xanuun badan, waxana uu xaaqay dad iyo duunyo wixii Somaliland ku noolaa oo ilaa maanta aan laga bogsan, Somaliland oo xoriyadeedii la soo noqotay oo nabad ah, oo qabsatey lix doorasho oo laba ka mid ah Guddomiye Cirro isaga laftiisu ku tartamay, Somaliland waxa manta ka talisa dawlad si xor ah loo doortay.”

Mar uu guddoomiyuhu ka jawaabayey, eedo uu Cirro u jeediyey hannaanka garsoor ee dalka, isla markaana bulshada u iftiiminayey daah-furnaanta sharci ee jirta iyo sida eedaysane kasta sharci hannaankii sharcigu tilmaamayey loo waafajiyo, ayaa waxa uu yidhi, “In qof la eedeeyo, maxkamad la horgeeyo, denbi lagu helo, dabadeedna xukun sharci ahi ku dhaco ma cabudhinbaa mise waa fulin sharci. Guddoomiye cirro waxaannu weydiinaynaa sida uu ka yeeli lahaa Hay’adaha nabad gelyada iyo Garsoorka haddii uu talada qaban lahaa. Mudddadii Jamhuuriyadda Somaliland jirtey xukuumaddii KULMIYE ee ugu horraysey waxa ay dhistay Komishanka Xuquuqal insaanka oo madax bannaan, si ay u ilaaliso xad-gudub kasta oo loo geysto xuquuqda insaanka ee ku tilmaaman Dastuurka jamhuuriyadda Somaliland. Ma jiro Guddoomiye Cirro-na keeni maayo qof xabsiyada Somaliland ugu xidhan hayn ah amar Madaxweyne, amar wasiir, amar Guddi Nabad gelyo iyo wax kale oo la mid ah toonna, laga soo heli maayo xabsiyada Somaliland qof aan ugu xidhnayn amarka iyo xukunka maxkamad awood u leh.”