Muwaadin ka Cawday Xeer Ilaalinta oo Farriin u Diray Madaxweynaha

0
931

Maxamuud Daahir Geele oo ah muwaadin reer Somaliland ah ayaa cabasho weyn ka muujiyay guri uu sheegay in uu isagu lahaa oo uu ka qaaday xeer illaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Aadan.

Muwaadinkani waxa uu sheegay in darajooyinka kala duwan ee maxkamadaha Hargeysa ay saddex goor u xukumeen lahaanshaha gurigaas, balse illaa hadda aanay fulin xukunnadaasi, waxaanu farriin cabasho ah u diray madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi.

Muwaadinkani waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal cabasho ah oo uu warbaahinta u qaybiyay, qoraalkaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Dawan, waxa uu u dhignaa sidan:-

“Mudane madaxweyne waxaan kula socodsiinayaa in guri aanu ku lahayn Isha boorame oo ka kooban laba makhsin iyo suuligoodii cabirkiisuna yahay 12m x 12m tilmaamihiisuna yahay Bari wado Galbeed dhisme, Waqooyi jago banana, Koonfur Dhismein gurigaas oo aan sifo sharci ah aan u mulkiyaya uu baabi iyay xeer ilaaliyaha guud iyo sarkaal ka tirsan ciidanka asluubta oo ay walalo yihiin Xeer ilaaliyaha guud sarkaalkaas oo magaciisa la yiraahdo laba xidigle Cabdi Risaaq Axmed Aadan iyagoo isticmaalaya awood iyo tital Dawladnimo oo baal marsan sharciga, gurigaas oo aan haysano dhamaan xukunadii ka soo baxay Maxkamadaha somaliland kuwas oo kala ah

Xukunka maxakamad Gobolka ee sumadiisu tahay DML-84-97 ee ku taariikhaysan 02/09/1997

Xukunka Maxakamada sare ee sumadiisu tahay MS-147-2005 ee ku taariikhaysan 28/08/2008

Xukunka dib u eegista ee sumadiiu tahay MS-BB-27-2008 ee ku taariikhaysan 23/06/2009

Waxa iyana jirta in dacwadii laga bilaabay Maxkamadii darajada kowaad si loo fuliyo xukumadii maxkamadaha ka soo baxay ee sare ku xusan

Markii ay ogaadeen arintaas ayay gurigii asalka ahaa ee laga xukumay ay gacantooda ku bur buriyeen isla markiina ay ka bilaabeen dhisme guri cusub maxakamada gobolku waxay saartay xayiraad sida ku cad warqada ujeedadaeedu tahay Amar xayiraad dhul cabirkiisu yahay 40×40 Ft ee sumadeedu tahay MGH/DFL/124/018 ee ku taariikhaysan 08/03/2018 oo uu ku saxeexan yahay Garsooraha Maxkamada Gobolka Maraoodi jeex Guleed Daa’uud Axmed isla markiina waxa uu soo sawiray dhismaha guriga cusub ee xeer ilaaliyuhu wado, xayiraadiina dhegaha ayuu ka furaystay, Xeer ilaaliyaha guud Garsoorii dacwada gacanta ku hayayna Amar afka ah ayuu siiyay arintaasi markay dhacday waxaan filkii iyo documentigiiba iyo arji cabasho ah oo aanu madaxda sharafta leh kaga cabanayno ninkaas xeer illaliyaha guud ah iyo cida ku lamanba arjigaas oo ku taariikhaysan 09/03/018 arintaasi markii ay dhacday wasaarada arimaha gudaha markii loo geeyaya filkii ee u akhriyay wax jawaab ah nagamay siinin markaanu u gudbinay gudoomiyaha maxkamada sarena markuu daraasad ku sameeyay ee uu akhriyay filka halkuu uga gudbin lahaa madaxweynha waxa uu noo gudbiyay gudoomiyaha maxkamada rafcaanka markii uu isna akhriyay gudoomiyaha maxkamada rafcaanku waxa uu cadeeyay in dacwadani si sharci ah uga socotay maxkamadaha aniguna aan an awood u lahayn in aan wax ka qabto arintaas xeer ilaaliyahay guud

Sidaas daraadeed mudane madaxweyne waxaan si xishmad iyo qadarin xambaarsan kaaga codsanayaa

Marka hore waa inaad xeer illaliyaha guud xilka ka qaadaad iyo sarkaalka ay waallaha yihiin ee ciidanka ka tirsan

In sharciga lay hor keeno labadan dembiile ee kor ku xusan

In hantidaydii oo dhamays tiran gacantayda lagu soo celiyo

Madaxweyne intaas waxaanu ixtiraamaynay shuruucda dalka iyo dawlada nimada ee maanana garan waayin in aanu u dhaqano sida ay u dhaqmayaan ogolaana mayno in meel sadex talaabo kuu jirta in xaaqayaga iyo hantidayada lagu dhaco iyo da oo shaadh dawladeed naloo adeegsado arintaas wax ka qabashadeeduna adiga yaya kuu taala.”