Golaha Deegaanka Gabiley oo Fuliyay Olole Nadaafadeed

0
1064
Wasiirka Madaxtooyada, ahna ku simaha Gudoomiyaha Guddida Abaaraha, oo deeq isugu jirta Raashin iyo Bal kala wareegeen Guddida Taakulaynta abaaraha ee Gobollada Galbeedka ee Awdal, Gabiley iyo Selel.
Wasiirka Madaxtooyada, ahna ku simaha Gudoomiyaha Guddida Abaaraha, oo deeq isugu jirta Raashin iyo Bal kala wareegeen Guddida Taakulaynta abaaraha ee Gobollada Galbeedka ee Awdal, Gabiley iyo Selel.

Maamulka Golaha Deegaanka Degmada Gabiley iyo Dawladda hoose ee Degmadaasi oo ay horkacayaan Maayarka Degmada Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi iyo Xogahayaha Dawladda hoose Mustafe Maxamuud Xaaji Cabsiiye, ayaa shalay ka bilaabey Gudaha Magaalada Gabiley ololihii ugu balaadhnaa ee noociisa ah oo lagu nadiifinayo xaafadaha kala duwan ee magaalada ololahaas oo ay ka qeyb qaateen qeybaha kala duwan ee Bulshada Gabiley.

Ololahan Nadaafada ah,ee maamulka Golaha Deegaanka,shaqaalaha dawladda hoose iyo ururada bulshada rayidka ah ee magaalada Gabiley,iyo guud ahaanba dadweynaha reer Gabiley, shalay subasx ka fuliyeen xaafadaha iyo qeybaha kala duwan ee magaalada ayaa,qeyb ka ah qoryashayaasha, golaha deegaanka ee sanadka 2018ka kaas oo lagu dardar galinayo guud ahaanba waxaqabadyadda adeegyada aasaasiga u ah bulshada, kaas oo maayarka Gabiley u qoondeeyay in maalin kasta oo kamid ah lixda maalmood ee maalinta Jimcuhu ka maqan tahey, in maamulka goluhu maalin walba mawduuca jadwalka u sudhan wadajir looga hawlgalo,islamarkaana, lagu dardar galiyo guud ahaanba arimaha bulshada.

“Lixdii saaka iyo ilaa saaccadaa aynu joogno,oo kawdii iyo badhkii ku beegan dadweynuhu waxey ku hawlanaayeen hawlaglka ololaha nadaafada waxaanu aad ugu mahad celinaynaa xildhibaanadda golaha deegaanka, shaqaalaha weynaha dawlada hoose, dadweynaha kala duwan ee reer gabiley, gudoomiyayaasha iyo gudiyadda xaafadaha ee afarta ah iyo iskuulka agoomaha Kuweyt, shirkada Telesom oo bilaw ilaa dhamaad nala joogtey, shirkada leydhka Some-power dhamaantood waxaanu leenahey waad ku mahafsan tihiin,hawlaglakaa ololaha nadaafada ee aad nagala qeyb qaadateen,waxeynu galleynaa xiligii gugga,illaahay subxaanahu watacaallaa roobkii wuu inoo soo dadajiyoo wuu inoo curtey,waxeynu u baahanahey in aynu nadaafada xoojino” sidaa waxa yidhi maayarka degmada Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi oo ka Hadley ololihii Nadaafada ee maanta Gabiley wadajirka looga fuliyey.

Waxa kale oo isaguna ka hadley xoghayaha Dawada hoose ee Degmada Gabiley Mustafe Maxamuud Xaaji Cabsiiye,oo sheegay,shacabka ka sokow in uu aad ugu mahad celinayo Shaqaalaha weynaha D/hoose ee Degmada Gabiley,oo iyagu gacmaha ula tagey nadiifinta ololaha saaka lagu qaadey nadaafada Guud ee Magaalada Gabiley Waxaanu Xoghayuhu xusey in halka laga soo galo Magaalada ilaa gudaha ay ka hawlgaleen dadweynaha iyo shaqaaluhuba.

Waxa kale oo iyaguna ka Hadley,ololahan Balaadhan ee nadaafada oo laga fuliyey Gabiley,Gudoomiyaha Gudida Arimaha Bulshada Golaha Deegaanka,Cibaado Maax Cilmi,Agaasimaha Arimaha Bulshada D/hoose Xasan Maxamuud(Xasan-Canjeex),iyo qeybo badan oo kamid ah Dadweynaha kunool gudaha Magaalada Gabiley ee ka qeyb qaatey ololaha Nadaafada.