Shacabka Reer Somaliland ha is Garab Taagaan Shirkada Dahabshiil iyo Somtel

0
1579

Tan iyo intii xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi talada dalka iyo hoggaamintiisa qabatay,  tallaabooyin dhawr ah ayaa loo qaaday dhinaca xakamaynta sicir-bararka.

Waxa ka mid ahaa guddi, sidii kuwii ka horreeyey e xukuumaddi madaxweyne Siilaanyo, loo saaro ka-talo-bixinta iyo meelmarinta qodbbada iyo hilimada loo marayo hakinta sicir-bararka circa isku shareeray oo saamayn aan la soo koobi Karin ku yeelaay nolo-maalmeedka dadweynaha, gaar ahaan danleyda iyo xoogsatada.

Haddaba, waxa ka mid ahaa tallaabooyinkaas in la soo jeediyo in (a) la joojiyo isu-diridda wixii ka yar 100 Doollar ee digitalka ah ama waxa loo yaqaan ‘hawada’ ah, iyo (b) isku-dhex sarrifka labada lacagood ee Shilinka iyo Doollarka.

Labada adeeg ee eDahab iyo Zaad, oo ku kala abtirsada Somtel iyo Telesom, midiba si ayay u qaadatay amarkii xukuumadda. eDahab markiiba waa fuliyey, waana soo dhoweeyey. Zaad iyo Telesom, afkana waa ka oggolaadeen, ficil ahaanna waa ka gaabiyeen.

Haddaba, arrintaa soo baxday si weyn ayaa shacabku uga falceliyey, iyaga oo ku qiimeeyey labada adeeg midba sida uu ugu damqaday dadweynaha.

Aragtiyaha laga kala bixiyey, waxa tusaale u aha ra’yigan oo uu ku kala qiimeeyey labada shirakadood muwaadin ku nool dalka Denmark:

Ugu  horayn  waxaan   salaamaya   dhamaan  islaamka   gaar  ahaan  umada  reer  somaliland

Waxaan  daawadey  shir  jaraaid  oo ay qabteen  maamulka  shirkada dahabshil  groub  shirkaa  waxay ku sheegeen   2  arimood oo  kala ah:

  1. shirkada Dahabashiil  waxey  fulineysaa go aan kasta oo  lagu xakamaynayo  sixir  bararka  aafeeyey  danyarta  somaliland
  2. shirkada  Dahabshiil   iyadu  ma  samaynayso  iney  faraha  la  gasho  arimaha  sarifka  waxaaney u daynaysaa  dadka  danyarta ah  ee  ka shaqeysata  sarifka   shirkada  dahabshiil  waxey  arintaa  u dhaafaysaa  dadka  ka shaqeysata  sarifka

Hadaba   go aankaas   wuxuu  shacabka  somaliland  tusay  iney  shirkada  dahabshiil tahay  shirkad u heelan  wax u qabashada  shacabka  somaliland

Waxey shirkadu  shacabka  tustey  iney  shirkadu  tahay  mid  u naxaysa  dadka  danyarta ah   ee reer  somaliland

waxaan  leeyahey  maamulka  shirkada  dahabshiil  waad  mahadsantihiin  waxaad  na  tusteen  inaa  tihiin  shirkad  dadka  iyo  dalka u naxaysa   runtii  waxaad  nagu leedihiin  abaal  ilaahey  ha  idin  barakeeyo  jira  oo  jooga  waligiin  jira oo jooga

Allaa  mahad leh

by  Siciid   Cumar   Xasan

Copenhagen,  Denmark

siciid7171@gmail.com