Xal-u-helida Muranka Maamulka Hawada Somaliland Iyo Somalia, Wuxuu Ku Jiraa Wadahadalo Farsamo, Kana Madax Banaan Mid Siyaasadeed

0
1054

W/Q: Abdikarim Ali

Qoraalkan kooban waxaan qoray muddo hore, wakhtigaa oo aan talooyin tabaruc ah u gudbin jirey xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayey. Khilaafkii iyo ismaandhaafkii weli halkii ayuu taagan yahay, ma jiraan wax horumar ah oo laga sameeyey xalinta murankan. Waa sababta aan mar kale u soo celiyey qoraalkaygii hore, ee akhriste haddii aad akhriday qoraalkii hore raalli noqo waa ku celise, walow aan wax yar ka bedelay, haddiise aanad akhriyin qoraalkaygii hore bal kan hadda isha mari, wakhti badan kaa qaadan maayee!

Wadahadalka Siyaasadeed (Political dialogue) ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu si rasmi ah u bilowday Feb 2012. Wakhtigaa wixii ka dambeeyey waxa dhex maray Somaliland iyo Somaliya kulamo, shirar iyo wada hadalo kuwooda ugu waaweyni ay kala ahaayeen kuwii lagu qabtay London (February, 2012), Dubai (June, 2012), Istanbul (April, 2013, Jan, July, 2014) iyo Djibouti (Dec, 2014). Shirarkan waxa lagaga wada hadlay, laguna heshiiyey arrimo muhiim ah sida wadaagida deeqaha caalamka, iyo tababarrada, dhiirrigelinta horumarinta Somaliland, ka wada shaqaynta sugidda ammaanka, dagaalka lagula jiro argagaxisada, is-dhaafsiga xogaha, la dagaalanka burcadbadeedda, kalluumeysiga sharci-darrada ah, ka hortagga sunta lagu shubo badaha, dambiyada badaha ka dhaca iyo dambiyada waaweyn, iyo qodobo kaleba.

Marka la eegayo dhinaca Aviationka ama xal u helida muranka ka taagan Maamulka hawada sare ee ex-Somalia, shirka keliya ee qodobo arinkaa khuseeyaa ka soo baxeen waxa uu ahaa shirkii ka dhacay Istanbul July, 2014, kaas oo Somaliland iyo Somalia ku heshiiyeen in la dhiso gudiga maamulka hawada “Air Traffic Control Board” oo Xaruntoodu Hargeysa noqonayso iyo guddi farsamo oo ka kooban afar xubnood “Laba xubnood dhinac walba” oo ay kormeerayaan labada Wasiir ee u xil saaran gaadiidka cirka/duulista hawada. Hase yeeshee heshiiskani waxa uu ku burburay muddo kooban, ka dib markii dawlada Somaliya fulin weydey qodobada 7aad iyo 8aad ee dhigayey in xarunta gudida maamulaysa hawada sare ay noqoto Hargeisa!

Heshiis jebintan ay xukuumada Somaliya ku kacday waxa barbar socday dedaalo aan gabasho lahayn oo ay ku doonayso inay kula wareegto Maamulka hawada sare, waxaana ka mid ahaa heshiiskii 17 December 2014 Wasiirkii gaadiidka Cirka Somalia Siciid Jaamac Cali (Qorsheel) uu dalka Canada kula soo saxeexday Hay`adda ICAO, heshiiskaas oo sida Wasiirku sheegay dhigaya in Hawadii ex-Somaliya (oo Somalilandna ku jirto) in si rasmi ah loogu wareejin doono Xukuumadda Faderalka Somaliya, ka dib dhamaystirka iyo qalabaynta dhismaha Terminalka iyo Towerka garoonka Muqdisho, isla markaana shaqaalihii ka hawlgali jirey Nairobi loo soo wareejin doono Muqdisho.

Aniga aragtidayda, qaabka iyo habka ay wada hadaladii hore Somaliland iyo Somaliya u socdeen dan uma aha Aviationka Somaliland, waanay adag tahay in xal waara lagaga gaadho muranka hawada sare ee u dhexeeya labada dhinac. Sababta oo ah Somaliland iyo Somalia, waxay isku diidan yhiin waa mabda` “principal” iyo masiir ummadeed kaas oo ay adag tahay in si fudud heshiis looga gaadhaa. Halkaa hadaan sii jilciyo, dhinaca Somaliland, gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland waa muqadas, lama taabtaan iyo waxaan gorgorton geli karin, sidaa si la mid ahna dhinaca Somaliya, midnimada Somaliya (oo ay Somalilandna ku jirtaa) waa muqadas, lama taabtaan iyo waxaan gorgorton geli karin! Ma muuqato inay Somaliland ka tanaasulayso gooni-isutaageeda, sidoo kalena lama filayo inay Somaliya ogolaato madaxbanaanida iyo jiritaanka Somaliland. Waa kaaf iyo kala dheeri, waa laba mabd`a oo aan lahayn meel dhexe iyo xal dhexdhexaad ah oo la isugu yimaado. Taa macnahedu waxa weeye, wada hadal kasta oo siyaasadeed oo labada dhinac dhex maraa wuxuu ku dhex burburayaa ama caqabad ku noqonaya “labadaa Muqadas”, xaalkuna wuxuu ku dambeynayaa i jiid aan ku jiidee, gacmo daalis, iyo kulamo is daba taxan oo aan xal waara iyo heshiis buuxa midna lagu gaadhin.

 

 

 

Sida aan marar horeba sheegay, dawlada Somaliya (sharciyan) iyada ayaa ka masuul ah dhamaanba maamulka hawada ex-Somaliya (oo Somalilandna ku jirto), maadaama ay tahay dawlad caalamku ictiraafsan yahay, halka Somaliland aanay haysan ictiraaf caalami ah. Taasina waa ta keentay inay Somaliya keligeed mar walba dedaal ugu jirto la soo wareegida maamulka hawada sare. Hadaba, si Somaliland awood iyo saameyn (influence) weyn ugu yeelato go`aanada laga gaadhayo arimaha ku saabsan maamulka hawada sare ee ex-Somaliya, si aan hakad ugu iman koboca aviationka Somaliland oo hadda meel wanaagsan maraya, si aan khalkhal ugu iman habsami u socdka duulimaadyada rayidka ee u kala goooshaya Somaliland iyo Somaliya, isla markaana looga hortago colaad hor leh oo ka dhex qaraxda Somaliland iyo Somaliya taas oo salka ku haysa arimaha aviationka, waxaan talo ahaan ku soo jeedinayaa;

In la furo wada hadal farsamo oo ka madax banaan wada hadalka siyaasiga ah, kaas oo dhex mara khubarada arimaha duulimaadyada rayidka ee Somaliland iyo Somaliya.

In Masuuliyiinta ugu sareeya ee loo igmaday shaqada gaadiidka cirka iyo duulimaadyada rayidka ee Somaliland iyo Somaliya ay hormuud u noqdaan amaba hogaamiyaan wada hadalada farsamo ee labada dhinac.

In la sameeyo guddi farsamo oo ka badan tiro ahaan intii markii hore lagu heshiiyey, aniga oo ku talinaya in tiradoodu noqoto 10 xubnood (Somaliland oo 5 xubnood ah iyo Somaliya oo shan xubnood ah).

 

In gudidan farsamo (dhinaca Somaliland) ay noqdaan xubno dareensan ahmiyada aviationku u leeyahay Somaliland, aqoon fiicana u leh shuruucda caalamiga ah ee aviationka (International Air law), nidaamka hagida diyaaradaha (Air Traffic Management), habka sugida bad-qabka iyo nabadgelyada garoomada iyo diyaaradaha (Aviation Safety and Security), qaab wada shaqayneedka ka dhexeeya dawladaha caalamka iyo hayada qaabilsan duulimaadyada rayidka ee ICAO, iyo hab wada shaqayneedka ka dhexeeya ururka shirkadaha diyaaradaha aduunku leeyihiin ee IATA iyo shirkadaha diyaaradaha iwm.

In gudidani ay diyaariso habkii, qorshihii iyo nidaamkii labada hayadood/wasaaradood (Somaliland iyo Somaliya) ee qaabilsan duulimaadka rayidku ay ku wada shaqayn lahaayeen hadda iyo mustaqbalkaba, iyaga oo ka bilaabaya xalinta muranka ka taagan maamulka hawada ex-Somaliya oo ay ku jirto qaybsiga dakhliga ka soo xarooda dulmarista ex-Somalia.

 

In goobta wada hadalka ama kulanka gudida farsamo ka dhacayaa noqoto Djibouti, sababta oo ah Djibouti waa dad/dal aynu asal, midab, diin, luqad, iyo dhaqanba wadaagno oo labada dhinac isku soo dhoweyn kara. Dalka Djibouti waa jaarkeena taas oo u sahlaysa labada guddi inay si fudud Muqdisho iyo Hargeisa ugu dhoofi karaan, haddii ay u baahdaan inay la tashiyo la sameeyaan dawladahooda.

 

Waxaan ku soo gebogebeynayaa, hawlaha aviationka ee ka dhexeeya Somaliland iyo Somaliya waxay u baahan yihiin in lagu dhameeyo wada shaqayn (Cooperation), balse uma baahna iska horimaad (Conflict) iyo is muquunin.

 

Abdikarim Ali

Aviation Consultant

abdikarimwais@gmail.com

www.eastafricaaviationconsultants.com