Khaladaadka-Sharci Ee Heshiiska Ay Wada Galeen Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Shirkadda Heema Books

0
925

haladaadka-Sharci Ee Heshiiska Kootada Ah Ee Ay Wada Galeen Wasaaradda Waxbarashadda Jsl Iyo Shirkadda Heema Books

 

Waa Qormo Ku Salaysan Baadhitaano iyo Deraasado Sharci

 

Anigoo ah Garyaqaan XUSEEN MAXAMUUD FADAL ayaa Qormadaydan waxaan halkan ku soo bandhigaynaa XAALADDA SHARCI-DARO ee Heshiiska ay wada galeen Wasaaradda Waxbarashadda ee Dawladii Madaxwayne Siilaanyo oo uu Matalayey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Abdilaahi Ibraahim Habane  iyo Shirkadda gaarka loo leeyahay ee HEEMA BOOKS, waana sidan:-

 

TILMAANTA SHARCI DARADA

Xeer Madaxweyne

  • Xeer Madaxweyne ee JSL/M/XERM/249-5011/082017 ee ku taariikhaysan 17/06/2017

 

  • M/weynuhu xaq uma laha in uu DIGREETO ku dhaqan geliyo Heshiis Shirkad gaar ahi ay leedahay.
  • 90 ee Dastuurka JSL Ma khuseeyo oo looma cuskan karo arrimaha ku saabsan dhaqan gelinta Heshiisyada Shirkadaha Gaarka loo leeyahay.
  • Dhaqan gelintani waxay khilaafsan tahay Qod. 75 ee Dastuurka JSL oo sheegaya SOO SAARIDDA, FAAFINTA iyo DHAQANGELINTA XEERARKA.
  • Heshiiskani ma aha XEER Madaxweynuhu uu dhaqangelinayo.

 

TILMAANTA SHARCI DARADA Kootanimada iyo

Khilaafsanaata Dastuurka ee Heshiiska

Heshiiskan KOOTADU wuxuu ka hor imanayaa Dastuurka JSL iyo Xuquuqaha Aasaasiga ee Muwaadiniinta gaar ahaan

  • 8aad ee Dastuurka JSL (SINAANTA MUWAADINIINTA);
  • 11(2) ee Dastuurka JSL oo sheegaya in Muwaadiniintu xaq u leeyihiin U SINAANTA FURSADAHA iyo Reebanaanta KOOTADA iyo in CID GAAR AH ay Wasaaradu sifo khaldan ugaga Faa’iidayso FURSADIHII DHAQAALE ee loo sinaa.
  • 11(1) ee Dastuurka JSL oo ka hadlaya in dhaqaalaha Dalku uu ku salaysnaado MABAADIIDA SUUQA XORTA ah (Free Market) isla markaana ka hortegaya in cid gaar ah loo xidho suuqii xorta ahaa (Monopoly).

Sharciyan waxa mamnuuc ah in Daabacaad Buugaag Waxbarasho oo Qaran ay daabacdo Shirkad gaar loo leeyahay oo shicib ah, iyadoo ay jirto Madbacad Qaran oo Dalkan u qaabilsan Daabacaada Dhokumentiyada iyo Buugaagta Dawladeed.

 

TILMAANTA QAABKA KHALDAN EE SHIRKADA

HEMA BOOKS LOO SIIYEY DAABACAADA, SUUQGEYNTA iyo IIBINTA

 

Nidaamka loo maray iyo Qaabka loo siiyey Shirkadda HEMA BOOKS Qandaraaskan wuxuu khilaafsan yahay Qod. 11(1), 12(2) ee Dastuurka JSL. Sababtoo ah looma marin habkii iyo nidaamkii loo bixin jiray QANDARAASYADA QARANKA, waayo hawshan Wasaaradda Waxbarashadu umay gudbin HAY’ADDII iyo GUDDIDII QARAN ee u xilsaarnaa Hawlaha bixinta iyo Tartansiinta Qandaraasyada Qaranka (National Tender Board). Waxaana ka maqan doorkii shaqo ee uu lahaa Gudidan oo ay ka mid tahay

  • In Warbaahinta lagu Faafiyo Bixinta Qandaraaska,
  • In Muwaadiniintu si xor ah ay uga qabqaalaan Tartanka,
  • In si dhexdhexaadnimo ah lagu kala saaro Muwaadiniinta u tartantay Qandaraaska, iwm.

 

Taa bedelkeeda, Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo ah Wasaarad Dawladeed ayaa Qandaraas bixinta waxay u martay dariiq khaldan oo sharciga khilaafsan oo ah sidan:-

Guddi-Qandaraas Ku Sheeg Sharcidaro ah

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashaddu Cabdilaahi Ibraahim Habane wuxuu magacaabay SHAN QOF oo ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradiisa oo uu ku tilmaamay GUDDI QANDARAAS BIXIN kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin;

  • Da’ud Axmed Faarax (Guddoomiye);
  • C/llaahi Yaasiin Diiriye (Guddoomiye Xigeen);
  • Raxma Ibraahim Axmed (Xubin);
  • Xasan C/llaahi Rooble (Xubin);
  • Fadxiya Dubad Maxamed (Xubin).

 

Haddaba, Guddi-Qandaraas-ku-sheegaas sifaha Sharcidarada ah lagu dhisay ayaa waxay bilaabeen furitaanka Qandaraaska taariikhdu markay ahayd 05 April, 2016, 10:00 AM, iyagoo Daabacaada Kutubta u soo bandhigay hab-qandaraas oo lagu tartamayo, sida qoraalladooda ka muuqata habkii Qiimaynta iyo Natiijadii Tartanka Qandaraaska ee Guddidaas ay sameeyeen waxay ku muujinayeen Shaxdan u dhigan sidan soo socota:-

No. Magaca Shirkadda Heerka Natiijada Darajada
1. HEMA 439 1
2. Baabu Salaam 360 2
3. Asal 288 3
4. Sagal 229 4
5. Sunduz 225 5

 

Dhacdadan sharcidarada ah ee aan sare ku soo sheegnay ayaa waxay muujinaysaa in si gaar ah uu Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi ugu danaynayey Shirkadda HEMA BOOKS, maxaa yeelay Shaqaalihiisii oo isaga ka amar qaata ayuu ku yidhi NOQDA Guddi Qandaraas, iyagoo iyaguna soo saaray Shirkadii uu Wasiirku rabay, Markaa halkaa waxa ka jira maqnaasho TARTAN XOR iyo XALAAL ah (Lack free and fair Competition). Danaynta gaarka ahna waxa marag madoon u ah sida ku cad Qodobka 4aad xubintiisa 4.3 ee qoraalka HESHIISKA ISKAASHI ee ku Taariikhaysan 27/04/2016 ee ay wada galeen Wasaaradda Waxbarashada JSL iyo Shirkadda HEMA BOOKS waxa cad in Hawsha Qandaraas-bixintu ay ahayd ARRIN-WARAABE-TAAG Ah, iyo in Tartankan Qandaraasku uu ahaa arrin indho-sarcaad oo dadka indhahooda lagu jeedinayo, laakiin ay iska cadayd oo horeba u qorshaysnayd in SHIRKADDA HEMA BOOKS ay tahay cidda KOOTADA lagu siinayo daabacaada Buugaagta, waayo, waxay sheegeen in HEMA BOOKS ay horeba (tartan-hortii) ula timid fikirkan. Eeg Qodobkaasi oo u dhigan sidan:-

4.3. Shirkada HEMA waxay ula tagtay fikirka iskaashigan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare iyadoo aaminsan in ay baahida buugaagta ee wadanka ka taagan wax kala qaban karto Wasaaradda.”

 

TILMAANTA CEEBAHA KALE EE UU LEEYAHAY

HESHIISKA KOOTADA SHIRKADDA HEMA BOOKS

Waxa kale oo ka mid ah ceebaha uu leeyahay  Heshiiskan khaldan ee dhexmaray dhinacyada (1) Wasaaradda Waxbarashada JSL iyo (2) Shirkadda HEMA BOOKS, heshiiskan oo nuxurkiisu yahay in KOOTO ahaan gaar loogu xidhay Shirkadan Hema Books in ay DAABACDO (Printing), SUUQGEYSO (Marketing) islamarkaana IIBISO (sales)Buugaagta Manhajka Waxbarashada ee Dugsiyada Hoose Dhexe iyo Sare ee JSL, iyadoo qabashada hawshan loo xidhay Muddo dhan SHAN iyo TOBAN SANADOOD (15-years)

 

  • In aanu jirin wax dan ah oo Wasaaradda Waxbarashada ugu jirta Heshiiskan, sababtoo ah sida ku cad Heshiiska Lacagta Lagu iibinsanayo Buugaagta waxa iska qaadanaysa Shirkadda Keligeed;
  • Heshiiskani wuxuu meesha ka saaray Ujeedadii, Awoodii iyo Shaqadii Wasaaradda Waxbarashada JSL ee ahayd meelmarinta Siyaasada dawladda ee ku waajahan waxbarashada ee ku cad Qodobka 15aad ee Dastuurka, Iyo Qodobada 38aad21aad iyo 22aad ee Xeerka Kala xadaynta Nidaamka Dhismaha Xukuumadda ee Xeer Lr.71/2015;
  • Heshiiskani wuxuu meesha ka saaray shaqadii iyo waajibaadkii ay Qarankan JSL uga Masuulka ahayd Madbacadda Qaranku, sababta oo ah Hawshii Daabacaada Qaran waxay Wasaaradda Waxbarashadu siisay Shirkad gaar loo-leeyey oo ay ku naasnuujinayso, halkii ay ahayd in Madbacada Qaranka la Maalgeliyo oo ay daabacdo Buugaagto.
  • Ma jiro Nidaam Xisaabeed cad oo lagula Xisaabtamo Shirkaddaas;
  • Heshiiskan lagama Diiwaangelin isla markaana lalamana Socodsiin Xafiiska Hanti Dhawrka Guud ee Qaranka.
  • Heshiiskani wuxuu lid ku yahay Xuquuqihii Waxbarasho ee Aasaasiga ahaa ee Muwaadiniinta, ee ahayd in ay Helaan Waxbarasho Lacag la’aan ah. Waayo Arday kastaa oo dhigta Dugsiyada Dawladdu wuxuu ku khasban yahay inuu Buugaagtii Waxbarsho ee Manhajka Qaran uu ka iibsado Shirkaddan Hema Books.

 

TILMAANTA KHALADKA HABKA LOO DIWAANGELIYEY HESHIISKAN

DHEXMARAY WASAARADDA WAXBARASHADA iyo SHIRKADDA HEMMA BOOKS

Heshiiskan waxaa laga diwaangaliyey Maxkamadda Rafcaanka Gobolka M/Jeex Hargaysa taariikhdu markay ahayd 30/07/2017, iyadoo Maxkamaddu u habraacday ama u cuskatay Qodobadda sharci ee kala ah 938, 939, 951 XM iyo Qodobka 144 XHM, haddaba Qodobadaasi ma waafaqsana Heshiiskan sababtoo ah waxay ka hadlayaan diwaangalinta Hantida Ma guuurtadda ah lagu mulkiyo oo ah sida, guryaha, dhulka IWM, sidoo Kale Qodobka 951 XM wuxuu ka hadlayaa in Gawaadhida, Diyaaradaha iyo Maraakiibta in lagu mulkiyo Diwaangalin lagu diwaangaliyo Buugaagta, HALKA Qodobka 144 XHM uu ka hadlayo arrin kale oo aan Khusayn heshiiskan oo ah GARSOORAHA LOO WAKIISHAY AQBALIDDA SUGIDDA.

 

Haddaba Su’aasha Sharci ee is waydiinta mudan waxay tahay:

  • Heshiisyada ay Dawladdu dhinaca ka tahay halkeebaa laga Diiwaangeliyaa?
  • Yaa Awood u leh inuu ku saxeexnaando Arjiga Codsiga Diiwaangelinta?
  • Ma jiraa Heshiis arrin Qandaraas-bixineed oo dhexmaray Hay’adaha Dawladda Somaliland iyo Qandaraasle Muwaadin ah oo hore Hore Looga Diiwaan geliyey Maxkamad Rafcaan?

Su’aalahaas jawaabtooda marka aynu ku dabaqno heshiiskan laga diwaangaliyey Maxkamadda Rafcaanka, diwaangalintaasi waa mid khilaafsan sharciga mana jirto in heshiisyadda dawladdu la gasho dhinac ama shirkad gaar loo leeyahay laga diwaangaliyo Maxkamadda Rafcaanka, sidoo kale ma jirto ama ma jiro heshiis dhexmaray dhinac Qandaraasle ah iyo dawladda oo hore looga diwaangaliyey Maxkamadda Rafcaanka, sidaana diwaangalintaasi waxay ku noqonaysaa mid khilaafsan sharciga iyo Qodobadda sharci ee ay Maxkamaddu u cuskatay.

 

 

WAA SHAX MUUJINAYSA DHOKUMENTIYADA SHACIDARADAAH EE UU KU SALAYSAN YAHAY HESHIISKA AY WADA GALEEN

1) WASAARADDA WAXBARASHADDA  iyo  2) SHIRKADA HEEMA BOOKS

S/No. Subject of the Document Reference Date Pages
1 Notification of Tender Awards Decision MOE/HE/01/460-26/16 16/4/2016 1-p
2 Diiwaan-gelin Heshiis WG/AG/195/2016 26/07/2016 1-p
3 Diiwaan-gelin Heshiis MOTHT/0146/-156/2016 28/07/2016 1-p
4 QARAAR Diiwaan-gelin Heshiis MRGMJ/H/   /2016 30/07/2016 4-ps
5 Diiwaan-gelinta Heshiiska MOE/HE/01/466-145/16 17/07/2016 1-p
6 Dhaqan Gelin Heshiis MOEHE/01/460/-233/16 25/9/2016 2-ps
7 HESHIIS ISKAASHI MOE/HE/01/460-34/16 27/04/2016 4-ps
8 HESHIIS ISKAASHI MOE/HE/01/460-34/16 27/04/2016 4-ps
9 Xeer Madaxweyne ee DHAQAN-GAL HESHIIS JSL/M/XERM/249-5011/082017 17/06/2017 1-p
10 Saddexda Maado ee Dugsiyada Gaarka ah MOE/HE/01/460-248/16 19/11/2016 1-P

 

 

GUNAANAD IYO TALLO SOOJEEDIN:

Waxaan Tallo ahaan ku soo jeedinayaa arrimahan soo socda:

  • in la joojiyo heshiiska sharci darrada ee dhexmaray Wasaaradda Waxbarashadda oo uu Matalayey Ex-Wasiir Cabdilaahi Ibraahim Habane iyo shirkadda Hema Books ee Kootadda loogu siiyey in ay daabacdo, Suuq-gayso isla markaana iibiso, maadama oo aan loo marin hab sharci ah oo xalaal ah.
  • in si xor ah loo soo bandhigo Qandaraaskaasi iyadoo loo marayo habka sharcigu dhigayo, isla markaana uu ahaado mid si xor oo xalaal ah looga qaab qaato oo loogu tartamo, muwaadiniinta Somaalilandna u sinaadaan.

 

 

ALLAA MAHAD LEH.

QALINKII GARYAQAAN XUSEEN MAX’UUD FADAL________________

TELL: 0634428529 TELESOM

EMAIL: Qabile88@Gmail.Com