“Dalkan Dawlado ayaa dano ka leh, oo doonaya inay Imaarado ka sameeyaan, Dawladda cusub waxaanu leenahay Nimankaa (Imaaraadka) Saldhiggooda (hala eego)…”

0
1053

Sheekh Aadan-Siiro Oo Ka Digay Faro-gelin Lagu Hayo Jamhuuriyadda Somaliland, Farriina U Diray Xukuumadda

 

Hargeysa (Hubaal) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Ahmiyadda ay leedahay Midnimada Ummadda reer Somaliland iyo sida xilligan loogu baahan yahay in Xukuumadda cusub ay Shacabka Midayso.

Sheekh Aadan-siiro wuxuu sheegay inay jiraan Dawlado dano ka leh Somaliland, kuwaasi oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuushan sidii ay Danahooda u fushan lahaayeen, sidaasi darteed loo baahan yahay in Shacabka la mideeyo, si aanay Dawladahaasi uga faa’idaysan.

Sheekha oo Arrimahaa iyo kuwo kale oo muhiim kaga hadlay Khudbaddii Jimcaha ee Shalay ayaa yidhi “Sidee buu ahaa Mushtamicii uu aasaasay Rasuulkeennii Muxamed (CSW), siday u wada dhaqmi jireen, siduu hoggaankoodu ahaa ayaynu wax ka tilmaamaynaa, khudbaddana waxaanu ka samaynay Waddamadii Muslimiinta ahaa oo dagaal aan waddo lahayn (iskula jira) iyo khayraadkii ay lahaayeen oo duulaan lagu wada yahay.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu khudbaddiisa kaga hadlay dhibaatooyin Dawladda Imaaraadka Carabta oo Saldhig laga siiyey Somaliland ay Xilligan ka waddo Dalka Yemen “Kuwii Taxaalufka la odhan jiray ayaa imika sii qaybinaya Cadan, waa kuwa aynu Maanta u yeedhanayno ee la leeyahay Saldhig baa laga siinayaa Berbera, miyey hagaajiyaan Yemen, intii Sharciyadda lahayn ee xorta ahayd ee Cadan joogay ayay Ciidamo ku xeereen Imaaraadku, Ciidammadu maaha Ciidamo awooddaa leh oo iyagu leeyihiin, laakiin waa ciidammo dabada ku haya gaalada.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in burburka Dalal Soomaaliya ka mid tahay uu la xidhiidhay Caqiiqo “Soomaaliya waa lagu kala tagay, maxaa loogu kala tagay, waxa loogu kala tagay labada Dal ee deraasadda lagu sameeyay ee la yidhi Dadkoodu waa kuwa Diinta ku adag waxa la yidhi waa Sucuudiga iyo Waddanka Soomaali la yidhaahdo guud ahaan iyo Somaliland, Madaxweynihii hore markuu Dadka laynayey wuu istaadhnaa, waayo? Waxa la doonayey in la dumiyo, waxaan uga socdaa intan yar ee aynu fadhino (Somaliland) ayaa imika laga shaqaynayaa in la kala diro, waxaana la isticmaalayaa Dad badan oo aan is-ogayn. Adeer ama Suldaan hala isticmaalo ama mid Xukuumadda ku jira hala isticmaalo, ama mid Wadaad sheeganaya hala isticmaalo ama mid leh aqoonyahannada ayaan ka mid ahay hala isticmaalee meeshii yarayd Hadaf bay noqotay (markaad eegto) siday hadda wax u socdaan.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ku baaqay in Dadka la mideeyo “Waxaanu leenahay waar Dadka hala mideeyo, inta Caqliga iyo Cilmiga leh waxaanu leenahay Waar daawe ayaynu saaran nahay, Caalamka Islaamka oo dhan baa Daawe la saaray, innagana imika waa la inoo soo shaqo tahay, Khayraadkeenii waa loo soo shaqo tagay, Niman Islaamka baa’biiyey ayaa lug ku haya oo doonaya inay Imaaraado ka sameeyaan intan yar ee aynu joogno, sidaasi awgeed waxaynu u baahan nahay Dadkii Caqliga iyo Cilmiga lahaa ee Ummaddan ururin lahaa sidii Nebigu (CSW) uu sameeyay. Nebigu ILAAHAY wuxuu Gacmaha ugu taagay Abu Jahal, ilaahoow Islaamkani shaqayn maayo haddaan labada Cumar mid lagu soo darin, waa Cumar Binu Khaddaab iyo Camar binu Hashaam, markaa waxaynu u baahanahy Caqligii Dadkan ururin lahaa, waxaynu nahay Dad yar oo ILAAHAY khayraad badan siiyey, Dagaal ka soo hadhi mayno.”

Sheekhu wuxuu sheegay in Dawlado shisheeye Dano ka leeyihiin Somaliland  “Dalkan Dawlado ayaa dano ka leh, kuwaas oo doonaya inay Imaarado ka sameeyaan, Dawladda cusub waxaanu leenahay Nimankaa (Imaaraadka) Saldhiggooda (hala eego), waa Niman Qabaa’ilka hubeeya, Balaayiin ayay siinayaan Qabaa’ilka, waxa laga yaabaa inay Qabiilka ugu yar wax ka dhigaan, si ay Somaliland u burburiyaan haddii danahooda la fulin waayo.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Haddaad akhrido Nimanka Dunida haysta iyo inta u adeegtaa ujeeddada ay ka leeyihiin meeshaa cidlada ah ee aynu fadhino habeenno Seexan maysid.”

Ugu dambayn, Sheekhu wuxuu farriin u diray Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi “Waxaynu u baahanahay in Ummadda la mideeyo, si halkaa (khilaafka bulshada) aan looga dhigan Biriij dhibaato badan innagu keena. Xukuumadda waxaanu ku waaninaynaa Waar Dadka heshiisiiya, waar Dadka u caqli celiya, waar Dadka u Caddaalad fala. Waa in kolba Ciddii cabata la ilaaliyo, waxaanu leenahay Qabaa’ilka ha lala hadlo, hala mideeyo, waxay tabanayaan hala waydiiyo, Dadkooda karaamada leh hala soo dhaweeyo.”ayuu yidhi, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro)