Shirkadda DAHABSHIIL oo Bilaash ka Dhigtay Lacagaha Loo Diro Dadkii ku Waxyeeloobay Qaraxii Lagu Hoobtay ee Ka Dhacay Muqdisho

0
946

Shirkadda Aamiin oo Amaantay Taageerada ay ka Hesho Shirkadda DAHABSHIIL

Shirkadda  Xawaaladda   Dahabshiil, ayaa bilaash ka dhigtay  khidmada lacagaha loo dirayo dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay qaraxii Muqdisho ka dhacay  14-kii Bishii la soo dhaafay ee October oo  ay ku dhinteen 358 qof, tiro intaas ka badanina ay ku dhaawacmeen.

“Waxaanu u taagan nahay inaanu saacidno  dadkii  ku waxyeeloobay qaraxaas, waxaannu   taageeraynaa dadkan gacan qabashada u baahan,”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay shirkadda Dahabshiil.

Shirkadda Dahabshiil waxay dhaqaale ugu deeqday shirkadda Gurmadka degdega ah ee Aamin Ambulance, oo adeeg  muhiim ah ka qabata magaalada Muqdisho. Olole ka socday baraha saxaafadda bulshada oo ay bilaabeen qurba-joogga  oo ay ka mid ahayd qoraa Nadiifo Maxamed, ayaa tabarucaad loogu ururiyay shirkadda Aamin Ambulance.

Aasaasaha Aamin Ambulance, Dr. Cabdiqaadir Aadan, oo 24ka saacadoodba ka dhex shaqaysa Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in  adeega hooseeya ee caafimaadka Soomaaliya  uu ku dhaliyay inuu bilaabo adeegan tabaruca ah ee ay shirkadiisu qabato dadweynaha.

Waxa kaloo uu intaas raaciyay; “Markii aan dib ugu soo noqday Soomaaliya, waxa ka socday dagaal, dadkuna waxay dadka dhaawacma ku qaadi jireen gaadhi gacan (Kaaryoone) si ay bukaanka ugu geeyaan Cusbitaalada. Arrintaasina waxay sababi jirtay in bukaanku ku dhintaan jidka inta aan la gaadhsiin  goob caafimaad.”  Dr. Cabdiqaadir waxa uu tilmaamay markii uu adeega gurmadka degdega ah ee Aamin Ambulance uu furay ay taasi waxtartay  dadkii dhaawaca ahaa. Waxaanu ku dooday shirkadoodu adeega ay qabato xiligan la aaminay.

Waxa kaloo uu amaanay waxtarka joogtada ah ee shirkadda Dahabshiil la garab taagan tahay shirkadiisa, waxaanu yidhi;  “Waxa   deeqaha naloo soo mariyaa  shirkadda Dahabshiil, waxaanu  soo celinay rajadii bulshadayada. Shirkadda Dahabshiil  nama caawiso  qudha  ee xataa waxay bilaash nooga dhigeen khidmada lacagaha loo soo diro dadka ku waxyeeloobay qaraxyada. Mana jirto waddaniyad taas ka weyni.”

Dr. Cabdiqaadir waxa uu intaas ku daray in shirkadda Aamin Ambulance ay ka shaqeeyaan 35 qof oo iskugu jira  kalkaaliye caafimaad, Dhakhaatiir  iyo dirawalo  ah. Sidoo kale waxa uu sheegay inay haystaan 10 Baabuur oo kuwa gurmadka ah.