Abaal-marin Hal-ku-dheg Looga Dhigay ‘Mashruucii Sannadka Ugu Wanaagsanaa’ Oo Lagu Maamuusay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaallaha

0
790

Bangiga Aduunka Oo Gaadiid Uu Ku Wareejiyay Hay’adda Shaqaallaha Ku Ladhay Abaal-marin U Gaar Ah Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Oo Ay Sheegeen In Uu    Boodhka Kaga Jafay Hay’adda Shaqaalaha

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Baanka Caalamiga ee Aduunka ku wareejiyey 8 Gaadiid oo loogu talo galay Mashruuca balaadhan ee Tirokoobka, Tayeynta iyo kor u qaadista Aqoonta Shaqaalaha Kala duwan ee Dawladda Somaliland.

Munaasibad Balaadhan oo shalay lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ,ayaa Baanka Caalamiga ee Aduunku (World Bank) wuxu 8 Gaadiida ku wareejiyey Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, waxaana Xaflada loo qabtay gaadiidan loogu talo galay Bilawga Mashruuca ugu qiimaha badan uguna mudan Qaranka Somaliland ee Tirokoobka, Tayeynta iyo kor u qaadista Aqoonta Shaqaalaha Kala duwan ee Dawladda Somaliland oo dhawaan dalka ka bilaabmi doona, ka soo qaybgalay Guddoomiye Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, Wasiirka Qorsheynta Qaranka Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo Tire), Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha bulshada Mudane Maxamed Cabdilaahi Obsiiye, Wasiiru dawlaha Wasaarada Gaashaandhiga Mudane Cabdiraxmaan , madaxda kale  iyo masuuliyiinta sare ee Hay’adda shaqalaaha iyo Madaxa mashruuca dib u habaynta shaqaalaha dawlada Mr Alex ayaa madashaasi

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland md  Sharmaake Axmed Muxumed Geelle oo ugu horeyn Khudbad mug iyo miisaan leh ka jeediyey madasha uu World Banka kaga la wareegay 8-da Gaaddiidka ee cusub waxaanu hadalkiisa ku bilaabay  “Marka hore Illaahay ayaa mahad iska leh inaga oo fahansan in muhiimadda ugu weyn ee Qurxinta qarankani inay tahay dadka u adeega iyo tayadooda in la hagaajiyo , waxaan soo dhaweynayaa wasiiradda Wasaaraddaha Shaqadda, Qorsheynta qaranka, iyo wasiiru dawlaha Gaashaan dhiga iyo Madaxda Baanka aduunka iyo Hay;addaha kale ee aanu wada shaqayno iyo Madaxa Mashruuca dib u habaynta shaqaalaha dawladda Mr ALEX iyo saxaafaddaba dhamaantood waan uga mahadcelinayaa ka soo qaybgalka iyo soo ajiibida ay munaasibadan qiimaha leh naga la soo qaybgaleen”

Md  Sharmaake Axmed Muxumed Geelle  waxa uu intaasi ku daray “Waxaynu saaka iskugu nimid laba arimood oo waa weyn qodobka 1aad oo ah shirkii marka mudo la joogaba mar dhici jiray ee ah golaha sare ee dib u habaynta shaqaalaha dawladda Somaliland oo aanu ku habsiineynay halkaanu mashruuca ka soo bilawnay iyo halkaynu marayso iyo halkaynu higsaneyno qorshaha dhaw iyo arinta 2aad oo ah in aynu maanta la wareegno gaadiidkii ugu tiradda badnaa abid ee lagu wareejiyo hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland, gaadiidkan oo inaga kaalmeyn doona mashruuca madax taabashadda tiro koobka iyo tayeynta shaqaalaha dawladda ee Somaliland, si goob kasta oo shaqaale dawladdeed uu ku sugan hayay loogu tago kuna sugno tiradda iyo tayada shaqaalaheena Somaliland ,helitaanka xog sugan ee shaqaalaheena qaranku waxay inaga caawin doonta in aynu baahiyaha iyo tayadda aqoontooda ugaano maalinba xaaladda iyo heerka shaqaalaha heena dawladdu halka uu maraayo ayeynu ku ogaan doona , shaqaalaha oo aynu dhisno tayadooda iyo aqoontooda waxay inaga caawin doonta inay adeeg hufan oo wanaagsan qarankeena u qabtaan, waxaanan si gaara ugu mahadcelinayaa Bangiga aduunka oo gaadiidkan inaga caawiyey inaguna wareejiyey maanta”

Wasiirka Qorshaynta qaranka Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-Tire)  isaguna madasha Gaadiidka uu kagala wareegay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaluhu Bangiga Caalamiga ee Aduunka waxa uu yidhi  “Waxaa jira mashaariic badan oo aynu ku guulaysanay balse farsamo xumo iyo dedaal la’aan inooga dhacay, waxaanse odhan karaa mashruucani waa midka ugu hirgalida wanaagsan taasina waxay ku timi Fadliga Illaahay ka sakow dedaal ay la yimaadeen hay’adda shaqaalaha dawlada iyo hogaamin aqoon iyo dedaal badan oo gudoomiyahodu ku hagay, waanan ku raacsanahay kuna amaanayaa  sida uu Sharmarke sheegay in inta badan waxyaabaha nay laga caawiyo Saambuuse iyo Waxyaabo yar yar iyo Siminaaro lagu sameeyo oo wax la taaban karo oo umaddu u aydo aan laga helin waxaanan mar iyo laba iyo saddexba ugu mahadnaqayaa dedaalka guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Somaliland oo ka midho dhaliyey mashruucan”

Dhankiisa waxaa isaguna goobta ka hadlay madaxa mashruuca dib u habaynta shaqaalaha dawlada Mr Alex isagoo si qoto dheer uga waramay sanad ay wada shaqaynayeen hay’adda shaqaalaha iyo waxa wanaagsan ee uu ka arkay isla markaana gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha ku tilmaamay nin dhalinyar ah hadana waayo aragnimo badan ku maamulay mashruucan.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mr Maxamed Cabdilaahi Obsiiye,  ayaa  kalmado mahadnaq iyo bogaadin ah madasha ka jeediyey isaga oo si gaara u tilmaamay hawl karnimadda iyo dedaalka Guddoomiye Sharmarke Axmed Muxumed Geelle   uu Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland boodhka kaga tumay mudadii uu xilka hayey isaga oo dhinaca kalena xusay xusay qiimaha mashruucani dalka u leeyahay.

Waxaa sidoo kale abaalmarino kala duwan la gudoonsiiyey madaxdii hagaysay mashruucan  iyada oo si gaara geba-gebadii Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Mudane Sharmaake Axmed Muxumed ay Bangiga Aduunku gudoonsiyeen abaal marin ay ugu magac dareen “Mashruucii sannadka ugu wanaagsanaa iyo gudoomiyihii jidka u xaadhay is bedel toggan oo shaqaalaha ku dhici donna”